DAAWO:Warbixin Kusaabsan Sii Socodka Carwada Kaluunka Oo Hargeysa Lagasii Amba Qaaday Iyo Hadaladii Madaxda + SAWIRO.

Harageysa(GNN)-Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka bada Somaliland Iyo Ururada daneeya wax soo saarka  Kaluunka Ayaa maanta soo bandhigay Carwo socon doonta Mudo Sadex Cisho ah oo lagu soo bandhigi doono noocyada kala duwan ee kaluunka.

 

Munaasibadan lagu furayey carwada lagu soo bandhigayo wax soo saarka kaluunka  oo ay  ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka somaliland, masuuliyiinta wasaarada kaluumaysiga iyo marti sharaf kale ayaa mudada ay socoto waxa qiimo dhimis balaadhan lagu sameeyey kaluunka si ay dadku u iibsan karaan.

Ugu horayna waxa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga somaliland isaga oo faah faahin ka bixiyey carwadan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “bandhig carweedka kaluunka ee aynu maanta bilaabayno waxaanu soo wadnay mudo sadex bilood ah,, dabaal dagii kaluunkuna shalay ayuu ka soo qabsoomay magaalada Berbera,waxaanan leeyahay waa in laga faa,iidaystaa mudada ay socoto carwadani.”

Gudoomiyaha somaliland u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu sheegay in haatan lagu gudo jiro sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka budhcada kaluunka waxanu yidhi “wasaarada kaluumaysiga waxaan ku bogaadinayaa  horu marka ay gaadhay, shaqada xafiiskaygu waxa uu ahaa la dagaalanka badhcad badeeda,taasi markii ay yaraatayna waxa soo baxday budhcad kaluun, markaa hay’addaha amniga, wasaarada kaluumaysiga, beesha caalamka iyo wadamada jaarkaba waxaanu iska kaashanaynaa sidii meel looga soo wada jeesan lahaa budhcada kaluunka ee soo baxday.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland marwo shugri Xariir Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa waxay ka warantay faa,iidada uu kaluunku u leeyahay haweenka waxaanay tidhi “ Anigu dhinaca aan iska taagayo faa,iidada kaluunka waxa weeyaan faa,iidada uu u leeyahay hooyada dhalaanka,, hooyada inta badan waxa saamaysa nafaqo daro xiliga ay uurka leedahay iyo xiliga ay jaqsiinayso  waxaana sababta aqoon la,aan ina haysa, haddii ay hooyadu cunto khudrad cagaaran  iyo kaluunka waxay noqonaysaa  mid jidh ahaan iyo qalbi ahaanba caafimaad qabta.”

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga somaliland Cali Jaamac buureed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey  ganacsatada soo bandhigtay wax soo saarkooda dhinaca kaluunka waxanu yidhi “waxan u mahadnaqayaa dhamaan Ganacsatada Yar yare e maanta ku soo bandhigay halkan ganacsigooga kaluunka iyo sido kale cid walba oo danaysa Kaluumaysiga waxna leeyahay maanta waa maalin farxad leh waayo waxan soo ban dhignay wax aan mudo badan soo wadanay hadaan nahay bahda kaluunka .

Gabagabdii waxa munaasibadaasi so oaf meeray Madaxweyne Xigeenka Somaliland Waxan Yidhi “ waa inoo farxad dhamaanteen siiba daka kaluunka ka shaqo leh in aan maanta soo bandhigno Carwo Ganacsiyeedka Kaluumaysiga Somaliland .

 

 

Log11