Dawlada Maraykanka Oo warbixin Ka Soo Saartay Rabshadihii Jabuuti ka Dhacay.

Washington(GNN)- Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa cambaareysay rabshadihii dhawaan ka dhacay Caasimadda Jabuuti. War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay, oo uu kuna saxeexnaa afhayeenka wasaaradda John Kirby, ayaa  dowladda Jabuuti loogu baaqay inay si deg deg ah u sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xidhay.

 

Kirby, ayaa tacsi u direy ehalladii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey weeraradii iyo rabshadihii hadheeyay caasimadda Jabuuti maalmo ka hor. War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xaquuqda hadalka ee shacabka Jabuuti iyo golaha iyo ururada nabadeed.

 

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal lagaga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabadeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.

 

“Waxanu mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heynno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Marykanka.

Hadalkan dawladda Maraykanka ayaa imanaya iyadoo dhawaan Ismaaciil Cumar Geelle sheegay  in dawladdo shisheeye oo adeegsanaya mucaaradka Jabuuti ku lug leeyihiin mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca keenay eeJabuuti.

Mr Geelle ayaa dhawaan xidhiidh la samaystay dawladda Shiinaha oo uu tilmaamay inaanay faro galinayn arrimaha waddankiisa balse ay danahooda is dhaafsanayaan, halka uu reer Galbeedka ku tilmaamay ku faro galin ku haya hanaanka dawladnimada Jabuuti, islamarkaana taageeradooda iyo faro galintu isku xidhan tahay.

Log11