Dhacdo Naxdileh:Nin Xaaskiisa Saqbadhkii Xalay Mindi Ku Gawracay Iyo Sababta

Dhibaca Bariga Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafada New Hargeysa ayaa saaka waxa lagu waa bariistay war-kii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa kaasi oo ahaa inay arkeen gabadh mayd ah oo sariir hoosteeda ku jirta

Dhagar qabe lagu magacaabo Xasan Gacan ayaa Xalay Wakhti lagu qiyaasay 4:30 waxa uu Gawracay Xaaskiisa oo ubad badan u lahayd isaga oo si balaa naxariis ah nafta uga Jaray sida la sheegay Dhagar qabaha ayaa markii falkan gaysanayey waxa uu ahaa Nin Cabsan ama Sarkhaansan Wuxuuna gabadhiisa dilay Wakhti dadku hurdeen Caruurtiisuna aanay waxba ogayn

Ciidanka Booliska ayaa Ku Jira Baadhitaana Dhacadadan iyo waxa sababay inuu Ninkani gawraco Xaaskiisa sidoo kale lama garanayo Halka uu ka danbeeyey Dhagar Qabahani Ciidanka Booliskuna kama hadal.

 

Gabiley.Net