DHAGAYSO:Shirkii Muqdisho Uga Socday Kooxaha Somaliya oo La Isku Mari la’ yahay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka socda shirkii Madasha Wadatashiga qaran, oo ay xubno ka yihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo looga doodayo sidii lagu go’aamin lahaa nooca doorasho ee Somaliya ay qaadaneyso ayaa la isku mari la’ yahay, ayada oo la isku hayo in hab beeleed ama hab deegaan lagu xulo xildhibaanada 2016 .

Cabdulaahi Maxmaed Shirwac waxa uu ka mid yahay dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka, waana guddoomiyaha bulshada rayidka ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Shirwac oo waraysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay caqabadaha ku hor gudboon shirka Madasha Wadatashiga. Shirwac waxa uu sheegay in markii horeba dadka laga qayb geliyay talada 2016 ay ahaayeen dad ay maamullada soo xuleen oo fikirka maamul gobleedyada ku shaqeynayey.

Cabdullaahi Shirwac waxa uu sheegay in labada qodob ee la isku hayo ay siyaasiyiinta ku dabaqayaan danahooda siyaasadeed.