Goob Ganacsiyeed Ay Lahaayeen Somali Degan Maraykanka Oo Dab Xoogan La Qabad Siiyey Iyo Meheradii Oo Shufbeeshay Iyo Baadhitaan Xoogan Oo La Galay

Maqaaxida ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo kutaala magaaladda Grand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka, ayaa shalay kooxo cunsuriyiin ah oon heebtooda la garan ay qabadsiiyeen dab.

Maqaaxida dabka la qabasiiyay ayaa aheed Makhaaxi caana ah oo lagu magacaabo Jubba Coffee House, waxa dabkaasi kasoo gaadhay khasaare xoogan inkastoo kooxaha dab damisku ay ku guuleesteen in ay deg deg u damiyaan debkaasi.

Maqaaxida ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Kooxo cunsuriyiin ah, waxayna sidoo kale makhaaxida ku qoreen Calamada Naazigii, waxa ay sidoo kale gidaarka maqaaxida ku buufiyeen ”GO HOME ”.

Ciidamada booliiska Grand Forks , ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano ay ku ogaanayaan kooxihii ka dambeeyay dabka la qabadsiiyay Maqaaxida Jubba Coffee House,waxana dhacdadan lala xadhiidhiyey mid ku lug leh nacayb iyo cunsuriyad.

Goob ganacsi ay Soomaali laheed ayaa sidoo kale ay maalmo kahor lagu gubay Magaalada Grand Forks, waxaana Magalaooyin kuyaala dalka Mareykanka ka bilowday naceyb loo qabo dadka muslimiinta ah tan iyo markii uu dhacay Weerar dad badan lagu dilay ee ka dhacay magaalada San Bernardino.

 

Log11