Guddoomiye Ciro Oo Xilal Cusub U Magacaabay Xisbiga Waddani.

Hargeysa(GNN)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa masuuliyiin u magacaabay jagooyin xisbigiisa ka bannaanaa.

Guddoomiyaha ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in markuu arkay baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaasi, islamarkaana uu la tashi la sameeyay hoggaanka xisbigiisa go’aansaday magacaabista xubnahan cusub.

Guddomiye Cirro ayaa magacaabay xoghayaha caddaaladda Barkhad Jaamac Xirsi, ku xigeenka xoghayaha siyaasadda Maxamed Abiib Yuusuf, kuxigeenka xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis, iyo la taliyaha guddoomiyaha ee arrimaha waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Cabdillaahi Xuseen(Al-imam).

Waxaa qoraalka magacaabista ku saxeexnaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed

Wadani ciro magaacbis