Gudomiye Ciro iyo Wafti uu Hoggaminaayo oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyay Caasimadda Addis Ababa + SAWIRO.

Addis Ababa (GNN)-Wafti Baladhan Oo Uu Hogaminayo Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ah Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Cirro ayaa manta si baladhan loogu soo dhaweyay casimad wadanka Ethiopia Addis ababa,

imageGudomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Waftiga Uu Hogaminayay Oo ay ka Mid ahayeen Gudomiye ku Xigenka Labaad Ee Golaha Barlamanka Somaliland Cali Yuusuf iyo Mujaahid Axmed Cumer Xamarji ayaa waxay ka soo Kici-timeen Kililka Gambela Oo Maalintii Shalay ahayd Lagu Qabtay Xuska Maalinta Qowmiyadaha Dalka Ethiopia,
Wafti Baladhan Ee Uu Hogaminayay Gudomiye Cirro ayaa waxa Madarkaasi Soo Dhawayn Tooda Kaga Hortagay Madax Sare Oo ka Tirsan Dalkaasi Ethiopia Waxaana Waftigaasi Markii Lagu Soo Warejiyay Shaaracyada Waawayn Ee Magalada Addis ababa Gaba-Gabadii Loo Galbiyay Dhankaas iyo Hotel Ambassator Oo ay Waftigu Deganaan Donaan inta ay ku Sugan Yihiin Wadanka Ethiopia,image
Gudomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa la Filayaa inta Uu ku Sugan Yahay Casimada Addis Ababa inuu Kulano Kale Gedisan la Qaato Madaxda Dalka Ethiopia, Danjirayaal iyo Waliba Diblomasiyiin Tiro Badan Oo ku Sugan Casimada Wadanka Ethiopia,
Dhinaca Kale Madaxda Ethiopia ayaa Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro inta Uu ku Sugan Yahay Casimada Addis ababa ku Sharaftay Gadiidka Lagu Soo Dhaweeyo Madaxda Caalamka Ee Loo Yaqaano Hab Maamuska,

image
Gaba-gabadii Soo Dhawayntii Casimada Ethiopia Loogu Sameyay Wafigani Uu Hogaminayay Gudomiyaha Barlamanka ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ah Wadani ayaa ku soo Beegmaysa Xili ay Maalintii Labaad Magalada Addis ababa ku Sugan Yihiin Wafti Uu ka Mid Yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Kuwaasi Oo Aan Wax Soo Dhawayn ah Aan Kala Kulmin Dowladda Ethiopia,Waxaanay Talabadani ay Dowlada Ethiopia ku Soo Dhawaysay Waftiga Gudomiyaha Barlamanka ay Tusaale Fiican u Tahay Taagerada iyo Kalsoonida Uu Gudomiye Cirro ka Haysto Beesha Caalamka.imageimage

Log11