“Ma Dhaliilo Dheef Lagu Raadshaa Mise Waa Dhab Dhawaaqa Isku Lidka Ah Ee Maalin kasta Kasoo Burqanaya Gudoomiye Maxamed Cali Xirsi ‘Obama”

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Gudi hoosaadka golaha wakiilada somaliland Mudane Maxamed Cali Xirsi Obama Waa gudi golaha u xil saaran inay hoos u eegaan heerka shaqo ee xarumaha iyo xafiisyada kala duwan ee dawlada kuwaas oo ay si guud wax uga waydiiyaan dhaqaalaha ay hayad kastaa hesho sida ay u maarayso iyo waxqbadka ay ku fuliyaan, Balse Ma ay noqon shaqadaasi mid ay gudidaasi u fulisay sidii Loogu Talo Galay, waxaana majaraha u hayey oo hagayey gudidan gudoomiye obama, kulmo kala duwan iyo xogwaraysiyo ay xafiiskooda kula yeesheen masuuliyiin kala duwan Waxaa kasoo baxay warar iyo dhaliilo is khilaafsan oo bulshadu su’aalo badan iska waydiisay, Ma isagaa waalan oo dhaqaalaa doon ah ma masuuliyiintanaa waalan xagee wax ka khaldan yihiin, waxaa lixdii bilood ee u danbeeyey ay wadeen qorshayaal ay bulshada ugu sheegayaan inay ilaalinayaan hantidii qaranka lana xisaabtamayaan masuuliyiintii qaranka, balse Taasi Waxay Hal- bacaad lagu lisay oo beenowday noqotay kadib markii gudoomiyaha gudidani afkiisa iska HAA iyo MAYA, oo isagoo shalay dhaliilay wasaarado iyo masuuliyiin aanu xog dhaba ka hayn haddna markii runtu Runta tagtay uu yidhi haddalo bulshadu aad ula yaabto,
maxamed-cali-xirsi
Tusaale ahaa sanadkan horaantisii gudidan waxay golaha horkeeneen warbixin dheer oo uu markaa jeedinayey mr obama waxaan uu golaha ka hor akhriyey warbixin aad u dheer oo ku dhaliilay musuqmaasuq baahsana uu ku tilmaamay masuuliyiin kala duwan oo maamula wasaarado iyo hayado kala duwan,
1 wasiirkii hore wasaarada waxbarashada marwo samsam cabdi aadan waxaa uu ku tilmaamay inay wasaaradeedu tahay mid musuqmaasuq hadheeyey oo dhaqaalahii wasaarada sifo qaldan ay u isticmaashay,
2 Hantidhawraha guud ee qaranka iyo hay’adaasiba waxaa uu ku tilmaamay mid aan gabi ahaanba shaqayn oo uu musuqmaasuq hadheeyey shaqadeediina uu ku fashilmay masuulkeedu.
3 waxaa sidoo kale uu dhaliilo aan xaqiiqo iyo ka fiirsi lahayn usoo jeediyey wasaarada Beeraha Somaliland
4 Waxaa Sidoo Kale iyana kamid ahaa wasaaradaha uu dhaliilaha kula dul kufay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiin iyo wasaarada ciyaaraha iyo hayado kale,

Iyadoo uu Dhaliilahaasi usoo jeediyey masuuliyiinta intaasi leeg ee qaranka iyo umadaba xilka u haya,
ayaa waxaa shacabka kala duwan ee somaliland fajac iyo amakaag ku noqday kadib markii uu horaantii bishan uu soosaaray warbixin uu kusoo bandhigay hotel mansoor uu ku dhaliilay hayado kale oo qaranka somaliland ku dhaato, Waxaa Taaasi Kasii Daran Markii uu hadalka bilaabay mr obama waxaa uu amaan weyn dusha ka saaray marwo samsam cabdi aadan oo wakhtigan ah wasiirka wasaarada maaliyada markii uu dhaliilayeyna ahayd wasiirka waxbarashada somaliland. Hadda og soonow haddii marwo samsam uu hore u dhaliilay wasaaradeedii iyo dhaqaalahii wasaaradaasi oo ay sifo qaldan u isticmaashay, hadda waa uu amaanay lkn shaqsiyadii maamulkii iyo shaqadii marwo samsam waa qofkii uun wasaaradana wax ay kusoo kordhiso mooyaane ma jecla waxay ka dhinto waayo waa madaxii u sareeyey,
Waxaa yaabka yaabkii noqotay mark uu kormeer uu kusoo maray wasaarada warfaafinta somaliland oo xafiis kasta lasoo tusay uu waxii indhahii uu kusoo arkay ka sheegay yidhina waxaan uga mahadnaqaynaa wasiir cukuse oo noqday wasiirkii koowaad ee si kalsooni leh xafiis xafiis usoo tusay gudida isla markaana uu horseed u noqday wasaaradaha sidan oo kale gudida u gacan siiya, kuna amaanay,
Wax yar kadib lkn warbixintan uu hotel maansoor kusoo bandhigay waxaa uu ku sheegay in warbixinta wasaarada ugu hoosaysa dhinac walba ay tahay Wasaarada Warfaafinta, Maxaa ka qaldan hadaba gudoomiyaha gudida xagee ayuu kasoo biyo cabaya maxaase labadan odhaahood bulshadu ilayn waa caafimaad qabaan oo aqoon waa leeyihiin ka fahmi karaan, Waxaase dad badan oo aan ka mid ahay aan isku qanciyey in wasiir cukuse oo lagu xanto inuu yahay nin go’aad adag aanu iska bixin xaqal shaahii uu masuuliyiinta ka qaadi jiray sidaasi darteedna ay dhaliilshu ugu dhacday, waxaanse farxay markii aan arkay barnaamijkii ka baxay tvga qaranka, oo run mooyaane aan odhan karo midh beena looma quudhin.
Ilayn Kama Daalo oo wiilku waa dhalinyaro aan wali waayo arkine waxaa uu goobo kala duwan oo uu ka hadlay ku dhaliilay Hantidhawraha guud ee qaranka somaliland oo ah shaqsi in badan kasoo shaqeeyey shaqadan uu gacanta ku hayo heer uu ka gaadhay inuu dalal kale oo germany kamid yahay uu kaga soo shaqeeyo , dhawar jeer oo uu Maxamuud Dheer La Hadlay Saxaafada waxaa uu Ugu baaqay In Maxamed Cali Xirsi oo ah gudoomiyaha gudidani uu haddii uu jecel yahay shaqada baadhista iyo hantidhawrka in uu u yimaado oo ka barto aqoonta iyo cilmiga wax loo baadho loona dhaliilo, iyadoo aaney wax bulshadu fahmi karto noqonayeyn in maalinba cid dadka iyo qarankaba magac ku leh uu iska dhaliilo kuna eedeeyo shaqo aanu xaqba u lahayn sharcina siinin waayo maaha hayad hantidhawreed,

Isku soo wada duuboo waxaaan dhaafin waayey in waxan oo dhami yihiin shaqona ka dhigtay ninkani dhaliilo dhaafo doon ah oo dhirbaaxo uu uga dhigo masuuliyiinta aan wax jeebka u galin,
Arrimahan soo noqnoqdayna waxaa sabab u noqday maalinba meesha ay ku jirto uu kabaha la dulmaro
iyadoo taasina dhaawac iyo meel ka dhac ku noqonaysa Ashqaas faro badan oo kaga karaamo badan dalka iyo dadka in si fudud loo eedeeyo…………………….LASOCO QAYBAHA DANBE………..

W/Q:-prof: A/rahman Moh’ud Mouse
dhammbaalwade@gmail.com