Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo booqasho ugu tagay Xaaji Cabdi Waraabe

Hargaysa(GNN)”-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa booqday Xaaji Cabdi Waraabe xanuun u jiifay gurigaasa oo ku yaalla caasimadda Hargaysa, ka hor intii aan loo qaadin dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

TT
Sidaanna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed aad u kooban oo Madaxtooyaddu soo dirtay, waxaannu u dhignaa sidan:-

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) intaan loo qaadin dalka Ethiopia Galabta.

RR

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaajiga ALLE uga baryey inuu caafimaadkiisi u soo celiyo xanuunka hayana ka dulqaado, insha allaa isaga oo caafimaad qabana uu dalka ku soo celiyo.