Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Iyo Ciidanka Qarankaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Abaanduule Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) Oo Ku Geeriyooday Djabouti

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Iyo Ciidanka Qarankaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Abaanduule Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable)

23/12/2015

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL