Maxaad ka Ogtahay Rikoodhada Cusub ee la dhigay Kubada Cagta sanadka 2015,Waa kuweese kuwa qarka u saaran in la jabiyo 2016,Akhriso warbixin xiiso leh.

1.Ciyaaryahanka kooxda Bayern munich iyo xulka wadanka Poland Robert Lewandowski ayaa  9 daqiiqo gudahood kaga dhaliyay 5 gool kooxda Wolfsburg ,waxayna noqotay rikoodh cusub oo uu dunida u dhigay.Arintan ayaa Robert waxa uu sidoo kale ku galay buuga mucjisooyinka dunida lagu kaydiyo ee World Genius Record.

londweski

2.xXdiga wayn ee kooxda Real madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo oo hore u haystay rikoodhka goolalka Champions leage oo uu Xili ciyaareed kaliya dhaliyay 17 ayaa sanadkana dhigay rikoodh cusub wareega Champions Leage kadib markii uu wajigii hore ee groups   ( group stage) ka uu dhaliyay 11 gool.

ronad

3.Martin Odegaard oo u dhashay wadanka Norwey una ciyaara kooxda Real madrid na waxa uu noqday ciyaartoyga ugu da’da yar ee ka qayb gala ciyaaraha is reebreebka wadamada Europe oo sanadkan lagu qaban doono wadanka France.martin.

4.Isla maanta ciyaarihii dhacayna Goolhayaha kooxda Arsenal Peter Chek waxa uu dhigay rikoodh cusub Premier Leage wadanka Ingiriiska isaga oo noqday gool hayaha kaliya oo 170 ciyaarood aan wax gool ah laga dhalinin,waxana uu rikoodhkaasi ka jabiyay gool hayihii hore ee xulka England David James oo 169 ciyaarood aan gool laga dhalinin.chek david-james_1661653c

 

5. Ciyaaraha Qaramada yurub ee sanadkan lagu qabanayo wadanka france waxay markii ugu horeysay taariikhda ka qayb galaya 24 dal,sidoo kale waxay dhigeen rikoodh cusub oo ah xadiga lacagta ay helayso kooxda ku guuleysata koobka oo ah 300 milion oo Pound taasi 85 milion oo pound ka badan tii 2012.Euro-2016-official-logo

6.Weerar yahanka kooxda Leisceter city Jamie Vardy waxa uu dhaliyay 11 gool 11 ciyaarood oo isku xigta isagoo jabiyay rikoodh uu hore u dhigay weerar yahankii hore ee kooxda Manchester united Ruud Van Nestelroy oo ahaa 10 gool.vardy

7.Laacibka kooxda Manchester City iyo wadanka Ivory Coasta Yaxya Toure waxa uu dhigay rikoodh cusub isagoo noqday ciyaartooygii u horeeyay oo 4 jeer oo isku xigta noqda xidiga Qaarada Afrika.

yaya

Lasoco qaybta labaad ee warbixintan oo aan kusoo qaadan doono rikoodho cusub oo qarka usaaran in la jabiyo sanadka inagu soo foolka leh ee 2016…

Gabileynews Network.