Nin Isku Dal Daley Magaalada Hargeysa Oo Ciidanka Boolisku Maydkiisa La Wareegeen + SAWIRO

Mid ka mid ah goob joogyaashi halkaasi ku sugnaa ayaa Shabakada GNN u sheegay In ninkan uu saaka is daldalay isla markaana ay caruur iyo dumar si kadis ah ula kulmeen ninkan oo ka soo laalaada Geedka , naftuna ay ka baxday .

Sidoo kale goob joogahan wuxuu noo sheegay in ninkan ay lugihiisa ka muuqdeen dhaawacyo aan la garan karin halka ay ka soo gaadheen kuwaas oo sababay in dhiig badani ka daato .

Geesta kale Ruux kale oo isna ku sugnaa isla goobtan uu ninku isku Daldalay ayaa sheegay in uu ninkan wajigiisa aqoonsaday oo uu dhawaan uu xanuunka dhinaca dhimirka ahi ku dhacay wallow aan la xaqiijin karin hadalka Goob joogahaasi .

Ninkan is daldalay ayaa is daldalaaddiisan u isticmaalay Macawis uu isku tidcay isagoo isku soo xidhay laamaha kuwa ugu sareeyaa ee geedkaasi .

Ugu danbeentii Ciidamada oo halkaasi soo gaadhay ayaa Maydkii meesha ka qaaday isla markaana ku wada Baadhis .

Maaha markii kowaad ee uu qof isku dhex daldalo Hargaysa balse muddo hadda laga joogo Bilo waxaa Dooxa Hargaysa isku dhex daldalay Nin Ganacsade ah .

IMG-20151229-WA0002IMG-20151229-WA0003IMG-20151229-WA0004

Log1