Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Digniin Udiray Kooxaha Kacdoonka Ka Wada Deegaanka Oromiya.

Addis Ababa(GNN)- Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalagn, ayaa sheegay in ay gacan adag oo bir ah ku qaban doonaan dad uu sheegay inay dalkiisa ka wadaan dibadbaxayo rabshado wata, sidaana waxa ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta dalkiisa.
Raysal Wasaare Hailemariam Desalagn, waxa uu tibaaxay in ay dadka dibadbaxyada dhiggaya ay ku jiraan kooxo qas wadayaal ah oo ku xad gudbay xarumo ay dawladu leedahay iyo kuwo dad shicib ahi ay leeyihiinba, waxaanu yidhi,
“Waanu ka war haynaa kuwa qas wadayaasha ah in ay dileen xooggaga amnigu, isla markaana ay gubeen xarumaha dawladda iyo hantida dadweynaha, waxaanan ku qaban doonnnaa gacan bir ah,”
Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray in ay dawladu gudaneyso waajibeedka, isla markaana ay ixtiraameyso dastuurka, isagoo sheegay in xukuumaddiisa iyo shacabka ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah kooxaha qaska wada.
Dibad-baxyo waaweyn ayaa tan iyo bishii hore ka socday gobolka Oromiya, oo ka tirsan sagaalka is-maamul goboleed ee dalka Ethipoia, kuwaas oo ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah, inkastoo xukuumadda dalkaas ay sheegtay in shan ruux ay ku dhinteen dibadbaxyadan. Dibadbaxyadan ayaa waxay ka billowdeen go’aan ay dawladdu ku sheegtay inay ku ballaadhinayso magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa; taas oo galaysa qaybo ka mid ah gobolka Oromiya ee dalka Ethiopia, arrintaas oo ay shacabku ka hor yimaadeen.
Log1