”Run Baan Idiin Sheegayaaye, Somaliland Baan Sii Joogi Lahaa, Hadaan Ogolaanayo In Soomaali Gobollo Loo Kala Qeybiyo, Carruurtayduna Hargeysay Degan Yihiin”Wasiirka Dekedaha Soomaaliya

DAAWO Wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegay in aanu caruurtiisii arkin muddo afar sanno ah isla markaana aanu garanayan sababta caruurtiisa loogu diidanyahay in uu u tago.

Wasiirka ayaa sheegay in caruurtiisu ay deganyihiin gurigooda oo Magaalada Hargeysa ku yaalla sabab uu uga rarana aanu garanayn, isagoona tilmaamay in ay bina’aadamnimada halkii ugu danbeysay ay tahay sababta loogu diidanyahay gurigiisa oo Hargeysa ku yaalla.

Dhanka kale. Wasiirka ayaa ku tiraabay in uu rabo midnimo Soomaaliyeed oo xalaal ah iyo dowladd Soomaaliyeed, isagoona wasiirku si aad ah u dhaliilay nidaamka 4.5 iyo federaalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay haddii isagu uu awoodi kari waayo midnimada Soomaaliya in aanu marnaba taas badalkeeda la iman doonin oo aanu ummadda Soomaaliyeed kala jari doonin ama ka shaqayn doonin kala gaynta ummadda waa sida uu sheegaye.

Nuur Faarax Xirsi oo wajigiisa ay ka muuqatay qiiro iyo murugo ayaa hadalkan ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo dalka dibeddiisa loogu qabtay, isagoona wasiiirku si aad ugu dheeraaday midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Nuur Faarax Xirsi ayaa sheegay haddii uu ogolaanayo in Soomaali gobollo loo kala qaybiyo In uu Somaliland iska joogi lahaa, isagoona yidhi ’’ haddaan ogolaanayo in Soomaali gobollo loo kala qaybiyo runbaan idiin sheegayaaye Somaliland ayaan iska joogi lahaa, haddii soomaali gobollo look ala qaybinayo oo la kala saar-saarayo mid Somaliland ka qiimo badan laga sameyn maayo, runbaan idiin sheegayaa wallaahay taas ay Somaliland taagantahay cid soo gaadhsiinaysaa in aanay jirin,..’’

Nuur Faarax Xirsi ayaa ahaa hoggaamiyihii ururkii GURMAD ee Somaliland isla markaaa doorashadii 2012kii ku hadhay , ka dibna Nuur waxa uu iskii u tagay Magaalada Muqdisho iyadoo loo magacaabay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE