DAAWO:Kaallin Shidaal Oo Ku Taala Magaalada Boorama Oo Uu Dab Qabsaday

Boorama(GNN)-Kaalin shidaal oo ku taalay farasmagaalaha Boorama ayaa saaka aroortii hore dabqabaday mid ka mid ah taangiyada shidaalku ku jireen oo banaanka taalay, mana jirto wax khaasaare weyn oo uu gaystay dabkaasi iyada oo ay si degdeg ah goobtaas u soo gaadheen gurmadka deddega ee gaadiidka dabdamiska kuna guulaystay inay si fudud u baqtiiyaan.

Dhacdadani waa tii ugu horeysay nooceega oo kale ah ee ay gaadiidka dabdamiska Degmada Boorama ku guulaystaan xal u helid dabkaas iyada oo ay horey u jireen dabab noocanoo kale ah oo qabsaday goobo shidaal dadkuna awood u yeelan waayeen baqtiinteeda maadama aysan xiligaas jirin gaadiidkan haatan u adeega bulshada oo ay soo iibiyeen bulshada reer Awdal.

 

12341269_1063068230412294_3360208579819453105_n12342350_1063068137078970_3079461997000772454_n12345524_1063068117078972_2708109105104642756_n12345524_1063068117078972_2708109105104642756_n-112347587_1063068167078967_1588492910499914328_n12360294_1063068270412290_6418084544805977155_n12368981_1063068210412296_8516979207292068011_n12390915_1063068250412292_450321493854721460_n

Log11