War-baahinta Dunida Oo Saaka Baahisay Baadi Goob Ay Ku Jiraan Ciidamada Booliska London + Iyagoo Raacdaynaya Gabdho Somali Ah Oo La Laayahay

Ciidamada Booliska Dalka Ingiriiska ayaa baadi goob ugu jira Sadex gabdhood oo Somali ah oo la la’aa Maalmihi la soo dhaafay Waalidka Ubadka dhalay ayaa Ciidanka ku war galiyey inay Ubadkoodii laayihiin isla markaana ay Baadhitaan ku sameeyaan Halka ay iyagu Ku Sugan yihiin.

Sadexdan Gabdhood ayaa ah kuwo da’aahaan aad u yar yar lamina oga meesha ay tageen Balse Booliska ayaa si xoogan ugu hawlan baadhitaanka Gabdhahan Somalida ah eek u noolaa wadanka Britain

 

Gabdhahan ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abir saalax oo 16-sano Jir ah Axlaam Saalax oo 15 jir ah Fardowsa Xasan oo 13-sano jir ah waxaanay degenaayeen Xaafada Wood Green Ee London

 

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay inay aaminsan yihiin In gabdhahaasi aanay gelin safar ay magaalada kaga baxeen ama meel kale ku tageen balse ay ku hoos jiraan Basaska iskaga Kala Goosha Magaalada London gudaheeda

 

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Fardowsa iyo Abir la la’aa tan iyo Bishii December 6-deedii Halka Axlaam la waayey Bishan 12-keedii Lamana garan karo Halka ay ku sugan Yihiin.