War Deg Deg Ah:Taliyihii Ciidanka Birmadka Ee Degmada Berbera Oo Goor Dhawayd Toogasho Lagu Dilay.

Taliyihii ciidanka birmadka degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Aadan Guuleed (Talaabo) ayaa goor dhawayd lagu toogtay saldhiga dhexe ee degmada hortiisa.

Askariga toogtay taliyaha ciidanka birmadka ee degmada Berbera ayaa ka dib markii uu falkaas dilka ah gaystay gacanta lagu dhigay isla markaana xabsiga loo taxaabay, waxaana la sheegay in taliyihii ciidanka birmadkuna uu ku geeriyooday goobtii askarigi ku toogtay.

Ilaa hada ma jirto masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo ka hadashay dilka loo gaystay taliyihii ciidanka birmadka ee degmada Berbera, iyada oo mudooyinki u danbeeyeyna ay wadanka Somaliland ku soo noq noqonayeen dilalka ka dhex dhaca ciidanka, iyada askartu ay dilal kala duwan u gaysteen taliyayaashooda

 

Wixii Warar AH Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Gabiley.Net