Wasiirka Amuuraha Dibada Oo Markii Ugu Horaysay Iskugu Yeedhay Safiirada Somaliland U Fadhiya Wadamada Dibada.

Hargeysa(GNN)-wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa iskugu yeedhay dhamaanba safiirada somaliland ee ku kala sugan wadamada dibada.

Amarka wasiirku iskugu  yeedhay safiirada somaliland ee ku kala sugan wadamadda kala duwan ayaa lala xidhiidhinayaa inuu kala hadli doono siyaasada cusub ee wasaarada arimaha dibadu ku dhaqmi doonta sanadka cusub ee 2016-ka, isla markaana kala xisaabtamo hawsha ay qaranka u hayaan.

Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire  ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyey ee wadanka gudihiisa iskugu yeedha dhamaanba safiirada somaliland ee ku kala sugan wadamada somaliland xidhiidhka dhaw la leedahay ee caalamka, iyada oo aan safiirada inta badan lagala xisaabtami hawlaha ay qaranka u hayaan.

Mudadii uu xilka wasaaradda arimaha dibada hayey wasiirkii is casilay ee Maxamed Biixi Yoonis ayaa la sheegaa inuu hoos u dhac wayni ku yimid siyaasadii arimaha dibada ee somaliland iyada oo ay hoos u dhacday dedaaladii lagu raadinayey ictiraafka, taas oo laga sugaya wasiirka cusub  Dr. Sacad Cali Shire inuu isbadal ku sameeyo siyaasada arimaha dibada isla markaana kor u qaado hawlaha ictiraaf raadinta.

Log11