Xaalada Deegaanka Horufadhi Ee Shalay Shaqaaqadu Ku Dhexmartay Beelaha Qorilugud Iyo Buuhoodle Waa Sidee Maanta?

Wararka Haatan Naga Soo Gaadhaya Deegaanka Horufadhi Ee Maalintii Shalay Ay Ka Dhacday Shaqaaqada Sababtay Dhimashada Hal RuuxIyada Oo Ay Halkaasi Isku Weerareen Maleeshiyo Beeledyo Ka Soo Kala Jeeda Qorilugud Iyo Buuhoodle Ayaa Haatan Ay Ilaa Maanta Xaaladu Ahayd Mid Degen.Iyada Oo Habeenimadii Xalay Marxuumkii Ku Dhintay Weerarkaasi Ee Ka Soo Jeeday Deegaanka Qorilugud Lagu Aasay Halkaasi Balse Xaalada Amaan Ayaa Ahayd Maanta Mid Degen Marka Laga Reebo Jawiga Oo Iska Bedelay Sansaankii Nabadeed Ee Ay Dadka Reer Guuraaga Ah Xoolahoodu Wada Daaqayeen Oo Maanta La Kala Fogaaday.Iyada Oo Ay Dhawaan Uun Ahayd Markii Heshiis Nabadeed Ay Labada Beelood Dhexmartay Ayaa Waxa Markii Labaad Ay Labada Beelood Mid ba Hal Mar Jebisay Wacadkii Hal Mar Waxaana Arrintan Maalintii Shalay Dhacday Ay Danabkicinaysaa Nabadii Salka Loo Dhigaayey Ee Laga Dhex Unkaayey Dadka Deegaanada Buuhoodle Iyo Qorilugud.Si Kastaba ha ahaatee Wali Ma Jiraan Cid Ka Hadashay Dilka Odayga Maalintii Shalay Lagu Dilay Deegaanka Horufadhi .

 

Log11