Xildhibaanno Baarlamaanka Midawga Yurub Ku Soo Bandhigay Qaddiyadda Somaliland

Brussels(GNN)- Mudaneyaasha midawga Yurub oo ka doodayay arrimaha qaxoontiga iyo xaaladda dagaallada Yemen ayaa mudaneyaal baarlamaanka ka tirsan soo dhex galiyeen muhiimada Somaliland oo ay tilmaameen inay u qalanto citiraaf caalami ah.

Xildhibaan James Carver oo ka tirsan xisbiga UKIP ee Ingiriiska, taageerana qaddiyadda Somaliland ayaa fadhiga baarlamaanka ku soo qaaday doorka Somaliland ka qaadatay qaxoontiga Yemen iyo sida ay ugu qalanto in la siiyo citiraaf caalami ah, isagoo tilmaamay in markii ay xorriyadda qaadatay 1960 qaramada midoobay laga aqoonsaday loona baahan yahay in wakhtigan dib loo aqoonsado, wuxuuna mudane kale waydiistay bal inuu aragtidaasi ku raacsan yahay.

Mudanaha kale oo hadalka qaatay ayaa isna tilmaamay in Somaliland tahay bogcad deggan oo la dagaalanka Argagixisada iyo budhcad badeeda ku suntan, sidoo kalena uu ku ammaanayo habsami ula dhaqanka xaqoontiga xeebaheeda soo gaadhay. Waxa uu tilmaamay inuu ku raacsan yahay arrintaasi, Somaliland ku weyn tahay qalbigiisa.

Log1