Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADAANI Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Sameeyay Taageerayaal Ku Soo Biiray +SAWIRRO.

(GNN-Hargeysa)-Munaasibad aad u bilan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin magac iyo meeqaam sare ku leh guud ahaan geyiga Somaliland iyo sida oo kale taageerayaal laxaad leh oo ka soo jeeda gebi ahaanba goballada Hawd, Maroodi-jeex, Saaxil , Togdheer iyo Oodweyne, ayaa saaka ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta ee xisbiga WADDANI, Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo sida oo kale wasiirkii hore ee Caafimaadka xukuumaddii Daahir Ra’yaale Md.Cabdi Haybe, xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xildhibbaan Maataan Hoori wasiiru-dawlahahii hore ee xannaanada Xoolaha xukuumaddii Ra’yaale Aadan Daahir, mujaahidiin, ururada haweenka iyo dhallinyarta, wax-garad, iyo aqoonyahan degmada Axmed Dhagax.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka xukuumaddii Daahir Ra’yaale Md. Cabdi Haybe oo isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan in isaga, siyaasiyiinta iyo taageerayaasha laxaadka lehba ay ku soo biiraan xisbiga WADDANI, waxaana uu carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee dalka ka saari kara dhibbaatooyinka ay soo gaadhsiisay xukuumadda Kulmiye.Ugu horeynna Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta ku soo biiraan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay cod iyo cududba ay la garab istaagi doonaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isaga oo dhanka kalena dhalliilo xoogga u soo jeediyey xukuumada iyo sida oo kale xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna ugu dambeyntiina halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in maanta xisbiga WADDANI ay ku soo biiraan siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ugu miisaanka culus degmada Axmed Dhagax iyo goballlada Hawd, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Oodweyne.

Log11