Xooghayahii Siyaasada Arrimaha Dibedda ee Xisbiga WADANI oo Iska Casilay Xilki uu Ka Hayay Xisbiga WADANI

Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasada Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada

Ujeedo. Xil Ka tegid

Ku Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullahi

Ku Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer qaran

Ku Dhamaan Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani

Ku Wargeysyada Maxaliga ah ee Somaliland

13.12. 2015

Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasada Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada iyo hadafkaaga siyaasadeed waxaan kula socodsiinayaa in aad u magcaabato xubin kuu buuxisa xilka Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani , Waxaan kaaga mahad celinayaa wadashaqeyntii mudadii koobnayd , waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan walaalihii iyo asxaabtii aanu is baranay mudadii aan ka tirsanaa xisbiga waddani, waan ogahay in badan oo idinka mid ahi aa dhibsanaysaan xil ka tegidan, laakiin waxa timi daruuf keentay in aan xilkan baneeyo. Runtii waa go,aan aad u adag laakiin waxay xal u noqonaysaa arin mudo taagnaa oo dhinacna u dhici waayey. Waxaan Waddani iyo asxaabtaba u rajeynayaa guul . Waxaan kaloo sii wadan doonaa shaqadeydii in aan qaranka reer Somaliland usii shaqeeyo inta suxulkaygu ciid ka sareeyo.


Xoghayihii Hore ee Xisbiga Waddani

Mudane Maxamuud Raage Ibrahim