Xukumadda Oo Faahfaahisay Qorshaheeda Diwaangalinta Buuhoodle, Jawaabna Ka Bixisay Mawqifka Xisbiga Waddani.

Hargeysa(GNN)2015-12-31- Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa isku maandhaafsan habka diwaangalinta codbixiyeyaashu uga dhacayso Degmada Buuhoodle. Xukumadda, saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashada ayaa dorraad ku heshiiyay in diwaangalinta codbixiyeyaashu bisha January ka bilaamato gobolka Togdheer, hase ahaatee warsaxaafadeed xisbiga Waddani Shalay soo saaray wuxuu ku sheegay inay doonayaan in degaannada degmada Buuhoodle ka tirsan ee ogol in la diwaangaliyo lagu daro gobolka Togdheer, inta kalena la sugo inta laga dhaadhicinayo bulshada degaanka sidii ay isu diwaangalin lahaayeen, hase ahaatee xukumaddu waxay ku tilmaantay go’aan qaran oo sidaasi lagu daynayo.

 

Masuul hore Waddani uga tirsanaan jiray oo mawqifka xisbiga Waddani ee degmada Buuhoodle jawaab ka bixiyay ayaa sheegay in xisbiga Waddani qayb ka ahaa go’aanka lagu qaatay in degmada Buuhoodle dib loo dhigo inta bulshada laga dhaadhicinayo ka qayb galka diwaangalinta, balse warsaxaafadeedka ka soo baxay xog hayaha guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, tilmaamayo kala qaybsanaan masuuliyiinta xisbiga ka dhex jirta.

Wasiiru dawlaha xannaanada xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, oo hore isaga casilay xisbiga Waddani, ayaa soo bandhigay aragtida xukumadda ee diwaangalinta Buuhoodle, waxaanu ugu horeyn ka jawaabay dhaliisha Waddani waxaanu yidhi “Xisbiga Waddani cabashadiisu, waa cabasho aan garowshiiyo lahayn, sababtoo ah go’aanka degmo doorashada Buuhoodle laga gaadhay waxay ka ahaayeen goob joog. Xukumadda, xisbiyada iyo komishanka waa la isku yimid, ciddii ogolaatayna qayb bay ka haayeen,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay “Warsaxaafadeedkoodani wuxuu muujinayaa go’aanka jilicsan ee xisbiga lagu hoggaaminayo. In ragna go’aan soo qaato ragna ka daba hadlo waa wax aan xisbiyada caadi u ahayn,” ayuu yidhi Wasiiru dawle Cabdirashiid.

Wasiiru dawlaha oo ka hadlaya mawqifka xukumadda ee degmada Buuhoodle wuxuu yidhi “Buuhoodle waa degmo doorasho, diwaangalintuna mar bay ka wada dhacaysaa, doorashaduna mar bay ka wada dhacaysaa. Bulshada reer Buuhoodle way soo dhaweynayaan inay dhamays tirtaan waxyaabaha ka dhiman ama meelaha aanay suuro gal ahayn in diwaangalintu ka dhacdo, degmaduna si dhamays tiran u gasho diwaangalinta iyo doorashada,” ayuu yidhi Wasiiru dawluhu.

Wasiiru dawlaha ayaa sidoo kale ka hadlay sababta dib loogu dhigayo Buuhoodle in diwaangalinta wakhtigan laga bilaabo “Waxa la isku hayaa waxa weeye waar xukumaddu ha ka shaqayso degmada Buuhoodle muddadaas oo ha la isku dayo in diwaangalintu ka dhacdo. Mida kale xisbiga Waddani waxaa dhaafsan in Guurtidu go’aankii muddo kordhinta raacisay amar xukumadd lagu amray in doorashadu dhacayso marka la sugo ammaanka xuduudaha iyo degmo doorashooyinka,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshaha dib loogu dhigay degmada Buuhoodle tahay go’aan qaran oo xisbiyada, xukumadda iyo komishanka doorashadu wada jir u gaadhay “Markii go’aankani soo baxay wasiirada kale ee degaanka waanu ka wada hadalnay, shacbigagayaga kale ee degaankana waanu la hadalnay, aad iyo aad baanu dhammaantayo u soo dhaweynay shacbi ahaan iyo siyaasiyiinba, Waddanina naguma xukumi karo degaankayaga kamana hadli karo,” ayuu yidhi wasiiru dawluhu.

Ugu dambeyn wasiiru dawlaha xannaanada xooluhu wuxuu ku ammaanay xisbiga Ucid rabitaanka gobolada bari inay ka dhacdo diwaangalin iyo doorasho “Arrintani waa mid xisbiyadu soo jeediyeen oo waliba xisbiga Ucid ku ammaanan yahay inuu yidhi suuro gal maaha in mar walba diwaangalin la iska qabto iyadoon dadaal la galin oon laga hawl galin Buuhoodle, Somalilandna dhaawac badan bay u gaysanaysaa.markaa xukumaddu way ka shaqaynaysaa xisbiyada, xukumadda iyo komishankuna way isla afgarteen in arrintaas dib loo yara dhigto oo laga shaqeeyo,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxa uu ugu dambeyn qorshaha xisbiga Waddani ee ah in qayb ahaan Degmo doorashada Buuhoodle laga qabto diwaangalintu tahay arrin qabyaaladeed oo lagu kala qaybinayo shacbiga degaankaasi, isagoo xisbiga ku eedeeyay inuu hab qabyaaladeed u kala saarayo bulshada aaggaasi ku dhaqan.

Log1