Xukuumadda Somaliland Oo Sharci Ka Soo Saartay Shaqaalaha Ajaanibta Ah

Hargeysa(GNN)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Md Cali Sandule, ayaa sheegay inay wadaan hawlo badan oo shaqo abuur loogu samaynayo dhalinyarada.

Wasiirka wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay hortagay guddiga arimaha bulshada ee golaha wakiilada“Hawlo badan ayaanu wadnaa ka hor dhici mayno,shaqo abuur badan ayaanu wadnaa, waxna waanu ku guulaysanay. Shaqooyin badan ayaanu abuuraynaa,shaqadaanu haynaa waa kuwa ganacsiga hayaan”ayuu yidhi Cali Sandule.
Sidoo kale, Wasiirka wuxuu sheegay inay sharci mamnuucaya ka soo saarayaan in shaqaale ajaanib ahi ka shaqeeyaan shaqooyinkii ay dhalinyarada dalku qaban lahaayen“Iyagoo shaqaale qaban kara shaqada taala jiraan waa naga mamnuuc inay shaqaale ajaaniba ah qaataan isha allah sharci ayaanu sa soo saari doonaa.”ayuu yidhi wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland.
Dalka Somaliland ayay dhalinyarada ku dhaqani ka cawdaan shaqo la’aan ka jirta guud ahaanba dalka,iyadoo dalka ay ka shaqeeyaan shaqaale ajaanib ah.

 

Log11