”Xukuumadu Waxay Ka Shaqaynaysaa Sidii Loo Midayn Lahaa Hargeysa Iyo Xamar, Dhaqaalihii Ummadana Waxa Lagu Urririyay Laba Qof Oo Qoyska Madaxweynaha Ah” Xildhibaan Mataan

Hargeysa(GNN):- Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan-Al-hummaami), oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, kana tirsan masuuiyiinta sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ku eedeyay in intii ay xukuumadu jirtay ay ka shaqaynaysay qorshe qarsoon oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa Hargeysa iyo Xamar, waxaanu sheegay in aanay arrintaa ka dagaal la’aanayn hadaan waxaa laga joogsan oo aan ummada loo cadayn in aanay waxaasi jirin.

Xidhibaan Mataan Al-hummaami, waxa kale oo ku eedeeyay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, in dhaqaalihii dalka ee ay ummadu lahayd lagu urruriyay laba qof oo ka mid ah qoyska madaxweynaha isla markaana la kiciyay baayacmushtarigii kale oodhan.

sidaana waxa uu Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), ka sheegay mar uu ka hadlayay Xaflad soo dhaweyn ah oo uu xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, shalay ku qaabilay siyaasiyiin iyo haldoor miisaan culus leh oo ka soo jeeda gobalka Hawd. oo cududdoodii ugu miisaanka cuslayd ku biiriyay xisbiga WADANI, oo ka qabsoontay Hotel Ambassador Hargeysa.

Xildhibaan Mataan Muxumed Hoori, ayaa waxa uu yidhi “Farxad ayaan kala dilaacsanay, waxaan ubateeyaba tolkay ooda soo jebi, Hargeysa Bari way naga soo horeysay, Hargeysa Waqooyi waa nimanka inoogu lacagta baddan, waan ogahay inaanay inaga fogayn inta inala joogta mooyaane inta inaga maqana waynu ka shaqeynaynaa inay Xisbiga yimaadaan oo kamana maarano.Waddankan umadda dhibaato ayaa la soo mariyay oo waanu u adkeysanay, waxa dhacday in dhaqaalihii umadda lagu uruuriyay laba qof oo raaska Madaxweynaha, oo baayacmushtarigii kale oodhan la kiciyay. Siyaasada haddii lagala dagaalamo waa la isku dilaa, laakin in noloshii lagaala dagaalamo umaddii waa wax ayaan-darro ah.Waxaas ciddii ku kacda ayaa ku ceeboobaysa.”

Sidoo kale, Xildhibaan Mataan Al-Hummaami, oo hadalkisa sii wataa waxa kale oo yidhi,“Dagaal ugu xumi waxa uu ka dhacayaa Xamartaa la wad-wado, intii dawladaasi jirtay waxa laga shaqeynayaa sidii XAMAR iyo Hargeysa loo mideyn lahaa.waa qorshe qarsoon oo jira oo maalinba in ayaa inoo soo if-baxaysa,..taanu ka dagaalanay waa taas. Walaahi inaanaan taa ka dagaal la’aanayn, , hadaan laga joogsanin oo aan umadda loo caddeynin inaanay waxaasi jirin.” ayuu yidhi Xildhibaan Mujaahid Aadan Muxumad Hoori (Mataan Al-Hummaami).
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE