15 Jir Tahriibe Somali Ah Oo Toorey Ku Dilay Gabadh Dalka Sweden.

Gothenburg (GNN)-Tahriibe Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 15 jir oo wadanka Sweden ku soo galay keli ahaan oo aanu wehlin waalidkii ayaa toorey ku dilay gabadh ka shaqeynaysay goobta lagu xannaaneeyo caruurta yaryar ee aan qaan gaadhin ee aan waalidkood la socon.

Hoyga ayaa la yidhaaHVB-hem oo ku yaalamagaalada Mölndal ee duleedka Göteborg. Waxaana wararku sheegayaan in wakhtigaa gabadhu kaligeed shaqaynaysay.

Dilkan foosha xun ayaa wuxuu u adeegsaday wiilka da’da yari ee Soomaaliga ah toorey, kadib markii la sheegay in wiilka uu la murmay gabadha Swedhishka ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, lana yiraahdo Alexandra Mezher oo 22 jir, kadibna dhaawacii uu u geystay ayey ugu dhimatay isbitaalka.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg, waxaana goobtaasi booqasho ku tegay Ra’iisul wasaaraha Swedan Stefan Lofven oo dhacdadaan ku tilmaamay danbi weyn isagoo sheegay in dad badan oo u dhashay dalkiisa ay qabaan in dhacdooyinka nocaas ah ay mar kale soo noqon karaan.

Wiilkan da’da yar ayaa sidoo kale lagu hayaa baaritaan dhinaca maskaxda ah, waxaana gacanta uu ugu jiraa ciidamada dambi baadhista.

source saxansaxo