Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland oo la kulmay qaybo ka Mida aqoon yahanka iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee London.

Waxaa shirkaas agendahiisu ahaa is-wareysi iyo maskax-tuujin lagu falanqeeyey sifeyaasha ugu haboob ee Qaranka Somaliland ictiraaf buuxa loogu baadi goobi lahaa.
Waxaa la isku afgartay in marka hore ay Dhamaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee UK ay iyagu is ictiraafaan oo ka midoobaan sifeyaashii ay ictiraafkaugu raadin lahaayeen Qarankooda Somaliland.
– Waxaa la isku afgartay in la helo marka hore is xilqaan taam ah,xil-wadareer mug lehiyo caqli cokan oo mideysan.
– Waxaa la isku raacay shirkaa in mudnaanta koowaad sanadkan la siiyo ictiraaf raadin oo geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo.
– Waxaa la isku raacay in midnimadii iyo mid ahaantii Qurbejooga reer Somaliland dib loo soo dabaalo.
– Waxaa Jaaliyaduhu soo jeediyeen in gudi aqoonyahan ah oo dar-dar iyo juhdi cusub geliya ictiraafka dhakhso loo sameeyo oo aqoontooda iyo CV-gooda lagu soo xulo.
– Waxaa kaleoo aqoon yahan ku soo jeediyeen in iyagana aan laga tegingudi looyaro ah oo ictiraafka u guntada oo u dooda.
– Waxaa la isla qaatay in JSL dhacdo bogcad qaali ah oo aduunka laga iibin karo.
– Waxaa la soo jeediyey in la sameeyo Dalad dhexda u xidhata oo isku xidha iskuna lingaxda Jaaliyadaha Somaliland ee kala jan jeedha ee reer UK.
– Si dar dar mug leh loo geliyo hawsha ictiraafka waxaa laga dhawaajiyey in Sanduuq gaar ah loo furoictiraaf raadinta JSL.
-Waxaa la soo jeediyey in Saaxiibadii badnaa ee Somaliland ku lahayd Baarlamaanka UK iyo Xafiiskii yaraa ee ku meel gaadhka ahaa ee Baarlamaanka UK dhexdiisaSomaliland ugafurnaan jiray in dib loo furo waayo waxaa ku kulmi jirayayey ka yidhaahdeen Saaxiibadii 36 MP ahaa ee JSL u ololeyn jiray ictiraafkeeda iyo xuquuqdeedagaarka ah taas oo ay hada ka sii joogaan Saaxiibadaa ilaa iyo 6 xubnood oo keliya oo aan iyaguna cod kar aheyn oo aan waxba tamarin.
-Waxaa la isku raacay shirkaa in marka hore Xuduudaha Somaliland leedahay si fiican loo sugo oo maamul-daadejin la sameeyo. Waxaa iyana laga dhawaajiyey in wada hadalada Dawlada Turkigu wado ay Somaliland ku tahay hadimo iyohagardaamo qaranee laga wareejiyo wada hadalada ay dhex dhexaadinayso Dawlada Turkigu maadaama aaney dhex dhexaadinta aaney dhex ka aheyn ee ay xaga Somaliweyn ujan-jeedho had iyo jeer.
-Waxaa Wasiirka la weydiiyey Su’aalo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Faa’iidada Somaliland ugu jirta wada hadalada iyaga iyo Somalia u dhaxeeya waxaana uu Wasiirku uuku jawaabay ” Sideedaba cid marka ay wax idinka dhexeeyaan waa laba mid uun
1- in aad dagaalantaan oo xoog iyo cudud melateri aad ku kala adkaataan iyo
2- In aad heshiisaan oo fadhi iyofarsamo wax ku dhameysataan markaa wuxu yidhi Wasiir Sacad Somaliland waxay qaadatay in ay Somalia heshiis wax ku dhameystaan aduunkuna uu markhaati ka noqdowaanuu soo dhaweeyey oo dhex buu ka noqonayaa Caalamku iyo hayadihiisuba.
Wuxuunauu Wasiirku ku sii kabay su’aashii la weydiiyeyoo uu yidhi ” Shirkaasiwaa kulan aynu simanahay Somalia oo nahay laba dawladood oo siman oo danahooda katashanaaya. waanagogol dhig wanaagsan oodib inoogu celinaaya in aynu ku kala baxno sifihii aynulixdankii ku midowney taas oo Caalamkuna mar khaati uu inoo yahay oo inagu kaalmeynaayo. Waxaa kale oo uuWasiirku faah-faahin dheeraad ka bixiyey 5-ta darajo ee aqoonsiga ee aduunka ka jira iyo Faaiidooyinka ictiraafka buuxauu Qaranka Somaliland u leeyahay isaga ootusaale yar u soo qaatay Mashaariicda baaxada leh ee gaadhaya ilaa iyo 10 Bilyan ee Dollar ee dawlada yar ee Djibuuti ay hada maamusho, waxaa kale oo uu wasiirku tafaasiil dheeraad ah ka bixiyeysifihii gudi heer qaran oo ay u dhan yihiin Mucaarid iyo Muxaafidloo dhisi lahaa . Shirkaasi wuxuu ku dhamaaday is afgarad iyo jawi aad u qurux badan oo duco lagu soo afmeeray.
Gobanimo dadkaa mudan
Galadana Allaa iska Leh
Somalilan Guul Waarta
Tebiye : A/fidhinle
West London

UK