AKHRISO MID KA MID AH XUSUUSIHII IYO XIKMADIHII ALLAHA HA U NAXARIISTEE ABWAAN CALI SUGULE(DUN-CARBEED) W/Q: A/RAXMAAN SAYID FAARAX (JEESTO)

DHAGAX IYO DAB
LA ISKUMA DHUFTEE
KALA DHAWRAAY
WAYS DHINAC WADNAA
KALA DHAWRAAY
WAX KA DHIGAN GOBANIMADA
QABIIL DHEX GALEE
KALA DHAWRAAY.

Abwaan Cali Sugule Cigaal Waxa Uu Ka Mid Ahaa Suugaanyahanada Soomaaliyeed waliba Kuwa Biladaha Hibada Iyo Hawraasamida Eebe Ku Maneystey, Isla Markaana Hal-abuurnimadoodu Ay Ka Tagey Hal-hays Aan Waligii La Ilaawin Oo Macnoyaw Fara Badana U Sameynaya Taariikhda Soomaaliyeed Iyo Umada Afkan Ku Hadasha Xaqiiqatan Waxa Uu Ka Mid Ahaa Fara Ku Tiriska Soomaalida Ku Hadhey Wakhti Xaadirkan Suugaanyahanadii Waaweynaa.
Abwaan Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) Waxa Uu Ku DHashey Magaalada Oodweyne Sanadku Markuu Ahaa 1936Kii, Waxa Uu Ku Qaatey Waxbarashadiisii Magaalada Berbera Gaar Ahaan Dugsigii Sheekh.
Cali Waxa Uu Caan Ku Ahaa Heeso Wadaniya Oo Aaney Haba Yaraatee Hase Badnaatee Wax Qiimahooda Iyo Mahdhooyin Sooyaal U Dhigmaa Aaney Jirin Run Ahaantii Abwaanku Waxa Kale Oo Lagu Xasuustaa Wadaniyad Xad Dhaafa, Ma Gaabsade Aan Ka War-wareegin Abaarta Wakhtigaa Jirta, Lama Xishoode Ruux Kastoo Qaloocan Wada Saxdaa U Tilmaama, Naftii Hure Mujaahid Ahaa Wakhtigii DHaqdhaqaaqii Dib U Xoreynta Ee Halgankii Hubeysnaa Ee Mitidiintii Mayalka Adkaa Ee ( SNM).
Waxaan Yadna La Xaqiri Karin Inuu Cali Sugule Ku Sifoobey Ama Lagu Yaqaaney Suugaan Culus Hab Ahaan Dhisan, Murti , Xikmad, Iyo Hoge Tusaaleyn Leh, Qani Ku Ah Sida Laga Dheehdo Maansooyinkiisa IYo Gabeyadaba Waxa La Yidhaahdo Af Maldahanayaasha.
Mahadhooyinka Aan Wali La Ilaawi Karin Dhagihii Dhadgeystaana Miraaqo Ilmeeyaan Waxa Kamid Ahaa Tan Ciwaanka Ah, (AQOONTU AF-QALAAD MIYAA)
WAABAA BARYEY BILICSAN
AROORYO BAXSAN MAALIN BOQRAN
IYO SIDOO KALE HEESKII WADANIGII EE XALIIMO KHALIIF MAGOOL KU LUQEYNEYSEY
(NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN)
W/Q:A/RAXMAAN SAYID FAARAX (JEESTO)