Bayaan ka soo baxay Guddida Mideynta Beelaha Dhulbahante“Berberaa Ka Dhaw Jawhariyo,Baydhabiyo Luuq. Bahwadaag Isaaq Baanu Nahay,Waana Buug Qoran”

“Caliyow halganka dhulbahante ee xuquuq raadinta ah, isku mid baynu nahay hase ahaatee nasiibdaro waynaan is fahansanayn…..”.

Guddi lagu magacaabo guddiga fulinta golaha midaynta siyaasadda beelaha Dhulbahante ayaa soo saaray bayaankii labaad oo ay kaga hadlayaan arrimo la xidhiidha wax wada lahaanshaha iyo sidda wax lagu wada yeelan karo ee loo wadaagi karo somaliland, isla markaana waxay mar kale ku celiyeen in ay beelaha Dhulbahante diyaar u yihiin in laga wada hadlo sidii saami qaybsi lagu saleeyay saamigii baarlamaankii lixdankii ee 33 ka ahaa loo suuragelin lahaa.

Bayaankaa waxa kale oo ay ku sheegeen in Beelaha Dhulbahante diyaar u yihiin wax wada yeelasho dhamays ah oo ay isugu luga duwadaan Somaliland, si taa loo gaadhana waxay ugu baaqeen madaxweyne Siilaanyo inuu dhigo gogol. Bayaankan oo ah kii labaad ee noociisa ah ee ay soo saaraan guddigani wuxuu u dhignaa sidan;

“Gudigu wuxuu hambalyo ku aadan sanadka cusub u dirayaa dhamaan shacbiga soomaaliland, iyadoo ay u bilaabantay sanadkii 26 aad ee gooni isu taagga jsl, halganka midaynta siyaasada dhulbahante wuxuu galay sanadkii 2 aad waanu socon doonaa ilaa inta uu ka gaadhayo ujeedadiisa.

Anaga oo Tixraacayna bayaankii aanu baahinay 04-10-2015,ka dib markii ay noo caddaatay in shacabwaynaha beelaha isaaq ay nagu raacsan yihiin qorshaha guddiga oo ah in dhulbahante doonayo gorgortan siyaasadeed oo saldhig looga dhigo 33 kii xildhibaan ee 1960kii, ka dib markii gudigu dareemay in qaar ka mid ah beelihii USP ay diidan yihiin saamiqaybsigii 1960kii iyagoo doonaya in ay saamiyo beelo kale leeyihiin ay qaataan, anagoo dadwaynaha somaliland iyo xukuumadaba u soo bandhigayna halkudhegga guddiga fulinta, waxaanuna soo gudbinaynaa bayaanka qodobadiisa oo hoos ku qoran;-

1.1 guddigu waa mid madaxbanaan waxaana ka xaaraansan in uu cid lacag ka qaato, ama shaqo waydiisto.

1.2 Isagoo gudigu ku hadlaya codka shacabka dhulbahante waxa yoolkiisu yahay in uu wadajir uga mid noqdo JSL,isla markaana ku doonto si nabadgelyo wixii xisaabtan ah ee ka maqan.

1.3 Dhulbahante iyo beelaha isaaq waxay heshiis ku yihiin laba arimood oo kala ah (A) ilaalinta iyo midnimada jiritaanka jamhuuriyadda somaliland (B) Hirgelinta saamiga dhulbahante oo qoraal ah.

1.4 Marka lagu xisaabtamo 33kii xildhibaan waxa dhulbahante yeelan doonaa 16% oo saami buuxa ah iyo saami kale oo uu ka heli doono shiidaalka carro dhulbahante ku jira.

Qodobka 2 aad, Isimada Dhulbahante

2.1 Gudiga fulintu waxay sanadkii 2015 baadhitaan ku sameeyeen shacabka dhulbahante ee doonaya in gorgortan siyaasadeed lala galo JSL waxaa noo soo baxday qiyaastan hoos ku qoran;

. beesha faarax garaad 89%

. Beesha baha nugaaleed 97%

. Beesha maxamuud garaad 99%

Isimada dhulbahante waxa la gudboon in ay raacaan rabitaanka dadwaynaha oo halkudhegiisu yahay ( la idin tuugi maayee shacabku waa tashanayaa)

Qodobka 3aad, Cali Khaliif Galaydh

3.1 Caliyow halganka dhulbahante ee xuquuq raadinta ah, isku mid baynu nahay hase ahaatee nasiibdaro waynaan is fahansanayn.

3.2, Caliyaw waxaanu kaa codsanaynaa in aad si fiican bayaanka u akhrisatid, isla markaana aad dhuuxdid nuxurka uu xambaarsan yahay, Oo halku dhegan ku leh.

‘Dhoosaali iyo eerigoo dhaan u rari maayo, warsangeli inuu dheelitiro dhiirigelin maayo’

Qodobka 4aad, Madaxwayne Siilaanyo

Mudane madaxwayne waxaanu kaa codsanaynaa in aad shir hordhac ah isugu yeed,hid isimada dhulbahante, si la isula qorsheeyo wakhtiga iyo madasha shirka lagu qaban doono, kaas oo ka dhaxayn doona, dhulbahante iyo xubno aad adigu soo magacawdid kuwaas oo Talo ahaan ka kooban dhaqanka iyo siyaasada oo daacad ka ah turxaanbixinta.

Gebagebo

‘Puntland waxay rabtaa gobolka sool in ay, badh goostaan. Banaadir waxay naga doonaysaa, malaha baansiin. Berberaa ka dhaw Jawhariyo, Baydhabiyo Luuq. Bahwadaag Isaaq baanu nahay, waana buug qoran. Inuu calankayagu noo babado ugu bushaareeya. Waxa lagu bogsiin ruux kastaba, saami loo bogo.’

Magacyada Gudiga Fulinta ee soo saaray bayaankan oo ka mid ah Golaha Midaynta Siyaasada Dhulbahante Oo Ka Kooban 11qof.

Gudoomiye :DR. Faarax Cali Shire

Gudoomiye k/xigeen 1 aad: Axmed C/laahi dhegoole

Gudoomiye k/xigeenka 2 aad: Aamina Maxamed Xaashi Fooyaan

Xoghaye :Jaamac Ismaaciil Dhinbil

Madaxa Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Dibada: Faysal Axmed kaarshe.