Caaqil Maxamed Xasan Samatar oo Baaq Dheer u Diray Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade

Wajaale(GNN)Gudoomiyaha Dagmada Wajaale oo Xilka Hayay Mudo Kooban Ayaa Ku Kacay Falxun Kadib Markii uu Ku Qabtay Baastoolad Mid Kamida Ganacsada Wajaale oo Lagu Magacaabo Xasan Yahaadhii oo Sida La Sheegay Ay isku Qabteen Dhul Si Sharci Daro Ah Loo Dhisaayo islamrkaana Ku Yaal Wado Marta Wajahaada Ganacsadahaasi Lagu Qabtay Bastolada Iyadoo Hore uu U Joojiyay Gudoomiyihii Hore ee Dagmada Wajaale Aadan Shiine, Dhulkaasi Sida uu Sheegay Caaqil Maxamed Xasan Samatar oo u Waramay Shabakada Wararka ee Gabiley.net Dhulkaasi uu Leeyahay Ganacsadahani.

Caaqil Cantayle oo Arimahasi Faah Faahin Ka Bixinaaya Ayaa Waxa uu yidhi

mqdefault

Gudoomiyaha Dagmada Wajaale Cabdi Saleeban Waxa uu Baastolad Ku Qabtay Mid Kamida Ganacsatada Wajaale oo La Yidhaa Xasan Yahaadhii Sobobta Keentay inuu Ku Qabto Bastooladuna Waxa Weeyi Kadib Markii uu Dhul La Isku Qabtay Danguuda oo Laga iibiyay Qolo Ganacsata Ah islamrkana uu Gudoomiyihii Hore ee Aadan Shiine uu Xayiray Dhulkaasi oo ay Keentay Maron iyo Kacdoon Dhexmara Ganacsatadasi iyo Gudoomiye Aadan Shiine (Gudoomiyihii Hore ee Wajaale ) Taasoo Galaafatay Xilkii uu Hayay islamrkana Ganacsatadii Ku Guulaysato inay Xilka Ka Xayuubiyaan Gudoomiye Aadan Shiine (Gudoomiyihii Hore ee Wajaale )Keensadeena oo ay Gudoomiyaha Wajaale Ka Dhigaan Kii Dhulka Danta Guud Ka iibiyay oo ah Gudoomiyaha Hada Xilka Haya Gudooomiye Cabdi Saleebaan isaguna uu isaga oo Shaadhka Dawladnimo Kaga Faaidaysanaya uu Dhulkaasi u Sharciyadeeyo Ganasatada Markii uu Ganacsade Xasan Yahaadhii Ka Hor Istagayna uu Madaxa Baastoolad Kaga Qabtay ,Taasina Waxay Ku Tusaysaa Damaca AMa Ka Faaiidaysiga Awooda Mayarnimo oo uu Hadda Shaadhka Dawladnimo Kaga Faaiidaysto Taasina Waa Isku Day Dil oo Sharciga iyo Dawladu Hadaan Wax Ka Qaban Waxa Iman Doona Wax Kale oo Ka Sii Wayn. Sidaa Waxa Yidhi Caaqil Maxamed Xasan Samatar

Caaqil Maxamed Xasan Samatar Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Waxa uu Baaq Dheer u Diray Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siiraanyo iyo Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade inay sida ugu Dhakhsaha Badan u soo Faro Galiyaan Arimhani
Hadii Kalena Waxa Ka Dhalan Kara Talaabooyin Aan Lamahadin Waa Sida Uu Carabka Ku Dhuftay Caaqilkuye
Gudoomiyaha Dagmada Wajaale Ayaa Kamid Ah Masuuliyiinta Tirada Yar ee Dib Usocodka Ku Ah Masuuliyiinta Maamulka Ka ah Dagmooyinka Dalka ee Xukumada Axmed Siiraanyo Waxayna Shacabka Reer Wajaale Ku Tilmaameen Masuulkii ugu Liitay ee Soomara Dagmadani TogWajaale Tan iyo intii Ay Dagmonimada Qaadatay Waxanay Sheegeen in Masuulkani yahay mid Ku Mashquulsan Dantiisa Gaarka Ah. Iyadoo ay Dhamaanba Istaageen Waxqabadkii Iyo Mashaaricihii Hormarineed Ee Kasocday  Dagmadani Wajaale Sida Wadada Isku Xidha Cisbitaalka Iyo Gudaha Magaalada Togwajaale

Gabiley.net
Office Togwajaale