Daawo:- Halista Shacabka Somaliland Raashin Wakhtigoodii Dhacay oo Taariikh Cusub Loo Sameeyey, Dad Tuugadaasi Loo Qabtay.

Hargeisa(GNN):-Somaliland Waxaa Maalmihii u Danbeeyey Gudaha Caasimada Hargeisa Si Xad-dhaaf Ah loogu Qab-qabtay Meherado Ganacsi oo Ka Ganacsanayey Daqiiq Been Abuur Ah Oo Wakhtigeedii Dhacay isla Markaana Loo Adeegsaday Dawooyin Kiimikal sun Ah oo Ka Dilaya Cayayaanka Ku Dasha Kadib Marka Uu Wakhtigeedii Dhacay, Kuwaasi oo Dib Loogu soo guray jawaano cusub oo loo sameeyey taariikh wakhtiga ay soo baxday iyo wakhtiga dhacayso, Waxaana Loo Adeegsaday Magacyada Ganacsatada waaweyn ee keena raashinkan sida Shirkada Al IKHWA iyo shirkadaha AFIA, iyo Kuwo kale, Waxaana Xarunta Dawlada Hoose oo arintani khusayso aanu u kuur galay bal talaabada ay ka qaaday arrintan oo khatar baaxad leh ku noqonaysa haddii aan si degdega looga hawalgalin si aaney dalka ugu faafin, saamayna aaney ugu yeelan shacabka Reer somaliland.DSC_0478

DSC_0479

DSC_0480

DSC_0481

DSC_0482

DSC_0483

DSC_0484