DAAWO Sawirada Weerarki Xalay Lagu Qaaday Hotelada Ku Yaala Xeebta Liido ee Moqadisho

Moqadisho (GNN)-Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Baarar kuyaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.In ka badan 21-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay tiro kale oo aad u badan, waxaana suurto gal ah in ay sii kordhaan qasaaraha dhimasjo ee ka dhashay Weerarkii xalay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Baararka Beach View iyo Liido Sea Food, waxa ayna Al-Shabaab weerarkaasi sheegeen in ay ku dileen saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa weerarkii qasaaraha badnaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido, waxaana magaalada ay tahay mid laga wada dareemay weerarkii naxtinta lahaa ee xalay lagu laayay dad aan waxbo galabsan.
.











 Log1