DAAWO:Madaxweyne ku xigeenka JSL oo ka qayb galay munaasibad loo qabtay arday ka dhamaysatay shahaadada heer labaad master degree jaamacada abaarso tech + SAWIRO.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland mud, c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici iyo masuuliyiinka kale oo xukuumada ka tirsan ayaa ka qayb galay munaasibad si heer sare ah loosoo agaasimay oo loo qabtay arday jaamacada abaarso tech ka dhamaysatay shahaadada heerka labaad ee master degreega

aradayda jaamacadani ka qalin jabiyey oo ka koobnaa laba kuliyadood ayaa kala dhamaystay culuumta puplic health iyo bussines administration, kuwaasi oo isugu jiray wiilal iyo gabdho,
gudoomiyaha jaamacada abaarso tech axmed xuseen ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer ugu waramay heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacada abaarso tech soo martay intii ay jirtay iyo guulaha la taaban karo ee ay jaamacadu gaadhay, taasi oo mudhaheediiba hada larkayo ayuu yidhi gudoomiyuhu,
xubno kamida arday dhamaysatay shahaadada heerka labaad ee masterta ee jaamacada abaarso tech oo iyaguna goobtaasi ka Hadley ayaa amaan iyo mahadnaqba u soo jeediyey dhamaan maamulka iyo ardayda jaamacada abaarso tech kuwaasi oo bay yidhaahdeen wakhti iyo tamarba ku bixiyey sidii aanu halkan ku soo gaadhi lahayn.
Masuuliyiintii kala duwanaa ee goobtaasi ka Hadley ayaa bogaadin iyo amaanba u soo jeediyey dhamaan aedayda halkan ka qalin jabisay iyo maamulka jaamacada abaarso tech.
Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland mud, c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici oo goobta ka Hadley ayaa hambalyo u diray ardayda dhamaysatay shahaadada masterka waxaanu bogaadiyey maamulka jaamacada abaarso tech, isagoo dardaarana u soo jeediyey dhamaan ardayda halkan ka qalin jabisay,
Madaxweyne ku xigeenka ayaa kula dardaarmay ardayda dhamaysatay shahaadada labaad ee master degreega ina cilmiga ay barteen dib ugu celiyaan oo ay ugu faa ideeyaan dalkooda iyo dadkoodaba.

IMG_0006

IMG_0007

IMG_0009

IMG_0018

IMG_0020

IMG_0022

IMG_0023

IMG_0024

IMG_0025

IMG_0029

IMG_0031

IMG_0033

IMG_0034

IMG_0035

IMG_0038

IMG_0039

IMG_0041

IMG_0042

IMG_0043

IMG_0044

IMG_0045

IMG_0048

IMG_0049

IMG_0050

IMG_0053

IMG_0057

IMG_0058

IMG_0062
IMG_0086

IMG_0091

IMG_0108

IMG_0109

IMG_0113
IMG_0132

IMG_0127

IMG_0124

IMG_0117

IMG_0086

IMG_0091

IMG_0108

IMG_0109

Log11