DAAWO:Jaaliyada SL ee Bariga London oo Shahaado Sharaf ku maamuustay Qaar ka mid ah shakhsiyaadka bulshada dhexdeeda wax muuqda ka sameeyey + SAWIRO.

London (GNN)-Waxaa xalay Xaflad Ilyarto is qabsatay ka dhacday Bariga Magaalada London Gaar ahaan Xaafada Bethnal Green Iyado halkaasi ay Ka soo qaybgaleen Dadweyne Reer Somaliland oo aad uu faro Badan oo Ka kala Yimi Magaalada London Guud ahaan. Xafladan oo ahayd Mid aan Noocadeeda Hore Looga Baran Bariga London aya ahayd Mid Shahadooyin Lagu Gudoonsiinayay Dadweynaha Ka Soo Jeeda Jaaliyada Reer Somaliland ee London ee Horumarka Ku soo Kordhiyay Bulshada Somaliyeed, Waxaana Halkaas Shadooyinkaasi Baxinayay Jaaliyada East London Somaliland Alliance, waxaan Qaybinayay Duqa Degmada Tower Hamlet London Mr John Bigs.


Xaflada oo aad u balaadhnayd waxa kasoo qayb galay Safiirka Soomaaliland ee dalka Ingiriiska Ambassador Cali Aadan Cawaale,Xisbiyada Somaliland iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ee degan dalka Ingiriiska. Kulanka oo aad saacado badan qaatay ayaa ugu danbeyntii shahaadooyin la gudoonsiiyey qaar ka mid ah bulshada reer Somaliland ee daafaha London oo isugu jiray Ardayda dugsiyada sare ee dalka Ingiriiska meelsare ka gaadhay,Saxaafada,Uururada bulshada,Haweenka,waxbarashada Maadiga iyo kuwa Diinta Islaamkaba.

IMG_5806