DAAWO:Hawlgal Balaadhan Oo Lagula Dagaalamayo Xayawaan Khatar Ah Oo Laga Bilabay Borama

Boorama(GNN)-Waxaa saaka aroortii hore Boorama ka bilaabmay hawlgal balaadhan oo lagu cidhibtirayo Eyda ku nool Magaaladaas oo dadkii iyo iyagii ay kala bateen waxaana hawlgalkan si firfircoon uga qayb qaadanaya shaqaale loo carbiyay Sumaynta Eyda oo xidhan qalab casri ay oo ay iskaga difaacayaan sunta xoogan ee ay ku sumaynayaan Xayawaanka halista badan ee dadkii kala baxay Magaalada.

Sumaynta iyo laynta aydan ayaa waxaa kale oo ka qayb qaadanaya gaadiidka dawlada Hoose Ee Boorama oo ay qaarkood ku xidhan yihiin sameecado waaweyn oo dadka u sheegaya inay meelaha Bulaacadaha Guryahooda ee Biyaha ka soo baxaya ay xidhana si eyga sumaysani uu biyaha halkaas uga cabin sidaasna aysan suntu waxba uga tarin.

Sidoo kale waxaa iyagna ka qayb qaadanaya gaadiid kale oo guraya eyda la laayay oo geynayo xarumo waawayn oo laga qoday Godad waaweyn halkaas oo sida ay mas’uuliyiinta Dawlada Hoose sheegeen loogu talogalay in lagu gubo marka Hawlgalkani soo dhamaado.

Dhawaan ayay ahayd markii Maayorka Degmada Boorama ku dhawaaqeen olole balaadhan oo ka dhan Eyda oo bilaabmi doona maanta oo sabti kaas oo aan ilaa haatan la ogayn inta uu socon karo maadaama Eydu yihiin kuwo marka la qiyaaso dadkaba ka badan kaas oo khatar dhinacyo badan ku hayay bulshada ku nool Magaaladan Boorama, waxaase la filayaa hadii talaabadan lagu guulaysto inay tani noqonayso mid yarayso khadarbadan oo dhinaca caafimaadka iyo waxyeelada ay u gaystaan Xoolaha iyo caruurtaba oo mararka qoorkood cuna.

 

 

Log11