DAAWO:Mujaahidiin Urur Kaga Dhawaaqay Maanta Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(GNN)-Kulan ay maalintii shalay isugu yimaadeen qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM ayaa lagu iclaamiyay madal magaceedu yahay Samotalis oo mujaahidiintu ugu midoobi doonaan ilaalinta qarannimada Somaliland. Mujaahidiinta kulanka joogay oo ka koobnaa guutooyinkii Ururkii xoraynta Somaliland ee SNM ayaa ku dooday in xukumadda uu hoggaamiyo Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo dayacday mujaahidiintii SNM, Ubadkoodii iyo xaasaskoodiiba.

Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamed Rooble(Cabdi sigis) iyo mujaahid Axmed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay tabashada mujaahidiintu ka qabto xukumadda Siilaanyo, waxayna baaq u direen mujaahidiinta oo ay kula taliyeen inay madashaasi qayb ka noqdaan. Waxay sheegeen in ilaalinta jiritaanka Somaliland wakhtigan ka go’an yahay.

Log1