DAAWO:Diyaarada Occian Airlane Oo Duulimaadkeedii U Horeeyey Ka Bilowday Magaalada Laascaanood + Sawiro

Diyaarada Occian Airlane ayaa maanta si rasmi ah ugu bilowday Duulimaadkeeda ugu horeeyey magaalada Laascaanood –

Waxaana diyaaradani oo ka soo duushay magaalada Nairobi ay si rasmi ah usoo cago dhigay magaalada laascaanood,iyadoona ay lasocdeen qurba joog badan oo u dhalatay magaalada lascaanood.

Waxaana garoonka diyaaradaha diyaar ku ahaa oo dadweynaha iyo diyaaraba so dhaweeyay maamulka gobolada sool iyo xaysimo ,kan degmada laascaanood
Bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa shaaciyay inay aad ugu faraxsan yihiin diyaaradan dulimaadka ka bilowday magaalada laascaanood,iyagoona soo dhawayn usameeyeen rakaabkii la socday diyaarada.
Sidoo kalena rakaabkii la socday diyaarada ayaa iyaguna sheegay inay soo dhawayn wacan kala kulmeen shaqaalaha diyaarada.