Gaadhi Siday Dad Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhacay Duleedka Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Hargaysa(GNN)-Wadada isku xidha Magaalada Berbera iyo Hargaysa ayaa waxa ku dhacay Gaadhi Siday dad ajihanib ah oo u dhashay dalka Ethiopia,waxaana lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,waxaana Goor dhawayd la keenay Cusbitalka Guud Ee Magaalada hargaysa,

wararka hordhac ah ee soo gaadhaya Gabiley.Net ayaa tilmaamaya in gaadhigan Siday Dadka u dhashay Ethiopia lagana keenay Magaalada Burco,waxaana lagu siiwaday Magaalada Wajaale oo Somaliland iyo Ethiopia ay Xadka ka Wadagaan.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo HadhwanaagNews Laxidhiidhay Ayaa Xaqiijiyay Gaadhigan ku dhacay inta u dhaxaysa Magaalada hargaysa iyo Berbera,waxaana uu cadeeyay inuu ku dhintay hal askari iyo Hal Qof,waxaana ku dhaawac may 10 qof oo dhaawacoodu aad u liito.

Gabiley.Net