DAAWO Golaha Wakiilada Somaliland oo Meel-mariyay Miisaaniyaddii Qaranka ee Sannadkan 2016

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa An-sixiyey maanta Miisaaniyadda Sannadka 2016, waxayna labadii todobaad ee u dambeeyay hortaallay miisaaniyadda.

Xidhibaanadda ayaa ka doodayey miisaaniyadda, laakiin kal-fadhigii maanta ayay ku meel mariyeen ansixinta odoroska miisaaniyada 2016, waxaanay miisaaniyadda raaciyeen lifaaq lacag loogu darayo laba hay’adood oo gaar ah.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha, Baashe Maxamed Faarax oo shirka shir-guddoominayay ayaa akhriyey go’aanno ay mudanayaasha golaha wakiiladu isla qaateen in lagu ladhoAn-sixinta miisaaniyada waxaanu yidhi “Guddida dhaqaalaha goluhu waxay soo jeediyeen in maxaabiista loo kordhiyo 2000 Shillin, lacagtii ururka saxaafadana in miisaaniyadda loo daayo ayey mudanayaashu isku raaceen, hay’daha aan miisaaniyada ku jirin waa in muddo sadex bilood ah sharcigooda lagu soo sameeyaa, 2% loogu tala galay gobolada bariga waa in la mashaariiceeyaa, Miisaaniyada waa in la goboleeyaa hoosna loo daadajiyaa .”

Sidoo kale, xildhibaanada golaha wakiiladu waxay isla qaateen in miisaaniyada laga saaro cashuur kordhin ay kusoo dartay wasaaradda maaliyadda.

“40 xildhibaan waxay ogoladeen in la meel-mariyo miisaaniyadda oo lifaaqa la raaciyey, 5 xildhibaan way diideen, cidna kamay aamusin, sidaas ayaanay ku Ansaxday miisaaniyada 2016-ka.”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlayey ansixinta miisaaniyadda.

Si kasta ha ahaatee, miisaaniyadda ayaa maalmihii u dambeeyey la sugayey ansixinteedda, maadaama oo hawlo badani ku xidhnaayeen.

Log1