Hargeisa:- Dhismaha Wadooyinka Caasimada iyo Baabuurta Xawliga Kusocota Oo Sababay Shilal Faro Badan.

Hargeisa:- Magaalada Hargeisa oo Marba Marka Ka Danbaysa Ay sii kordhayaan Dhismayaasha Wadooyinka Kala Duwan ee laga dhisayo degmooyinka kala duwan ee caasimada, ayaa taasi waxay sahashay inay dadka qaar baabuurta ku kaxeeyaan xawaare aad u sareeya oo wakhtiyada qaar ee habeenkii sababa dhimasho iyo dhaawac nafeed, waxaana inta badan meelaha qaar wadooyinka aad ku arkaysaa baabuur shilal kala duwan oo ku naxdin galiya kuwaasi oo inta badan dhaca saacadaha danbe ee habeenkii,

Shacabka ku dhaqan magaaladu inkasta oo ay ku diirasadeen  wadooyinkan kala duwan ee laga dhisay, oo ay kaga raysteen rafkii ay adkayd inaan gaadhi kaxaysato haddana waxaa barbar socoda dad aan iyagu ku xisaabtamin khatarta ay leedahay birtu

Halkani waa goob kamida xaafada goljano ee degmada 26 june waxaa saqbadhkii xalay gaadhigan oo xawaare sara kusocdaa galay taawarkan laydhka, inkasta oo aan lay sheegin wax dhimasho ah haddana waxaad dareemi kartaa khasaaraha soo gaadhay gaadhigan iyo taawarkii laydhka.

DSC_0514 DSC_0515 DSC_0516 DSC_0517 DSC_0518

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Axmed Osman