Haweenay Muddo 20 Cisho Ah La La’aa Oo Laga Helay Duleedka Muqdisho Maydkeeda Oo Kelyaha Lagala Baxay.

Muqdisho(GNN)- Meydka Haweeney Mudo 20 Cisho ka hor la waayay ayaa laga helay Duleedka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in maydka haweeneydan lagala baxay labada Keliyood.

Qof ka mid ah ehelka haweeneyda meydkeeda la helay ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidanka Booliska ee saldhiga degmada Kaaraan ay ka heleen meydka meel cidla ah oo ku taalla duleedka degmada Kaaraan, waxaana ay sheegeen in haweeneyda lagala baxay labada Keliyood islamarkaana ay ku yaalleen dhaawacyo loo gaystay jidhkeedu.

Ugu dambayntii, ehelka haweeneyda meydkeeda la helay ayaa warbaahinta u sheegay in haweenaydan markii dad ugu dambeysay ay ku sugneyd degmada Dharkeynley, gaar ahaana xaafadda Kaawo Goday.

Log1