Hay’ada Human Rights Watch oo Sheegtay In Dibad-Baxyadii Ethiopia Lagu Dilay 140 Oromo ah.

ETHIOPIA(GNN):-Hayadda Human Rigths Watch oo u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ciidamada dalka Ethiopia dileen 140 qof oo ka tirsan Mowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia intii ay socdeen banaan baxyadii lagaga soo horjeeday qorshihii lagu balaadhinayay caasimada dalka Ethiopia ee Addis-abab.

eth

Human Rigths Watch oo maanta warbixin dheer soo saartay ayaa sheegtay in tiro kale oo intaasi ka badani ku dhaawacmeen rabshadahaasi ka dhacay dalka Ethiopia .

Rabashadahan lagaga soo horjeeday balaadhinta caasimada dalka Ethiopia ee Addis-Abab ayaa noqonaya kuwii ugu balaadhnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sannadkii 2005-kii,wakhtigaasi oo muran ka dhashay doorashooyinkii dalka Ethiopia.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka banaan baxyadaasi ay laba jeer ka badan yihiin kuwii la soo bandhigay bishii aynu soo dhaafnay ee December ee sannadkii tagay ee 2015.

Xukuumadda Ethiopia ayaa sheegtay in tan iyo wakhigii ay bilowdeen dibax-baxyadani oo ku beegan November 2015-kii ay dhinteen dhan ruux oo kali ahi.

Felix Horne Afhayeenka hayada xuquuqal aadanaha ee HRW ayaa sheegay in ciidamada amniga dalka Ethiopia dhibaato ku hayaan dadka banaan baxaya iyo dadka kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda,iyagoo tacdi u gaysta loona xidho hab kasta oo ay fikirkooda ku muujin karaan .

Oromada ayaa diidan qorshe dawlada Ethiopia ku doonayso inay dhul beereed ku dhow magaalada caasimad ah ee Addis-Abab lagu daro,si looga dhigo goob ganacsi oo magaalada ka tirsan.Banaanbaxayaashuna waxa ay sheegeen in qorshahani dhibaato ku yahay dadka beeralayda ah.

Kooxaha Mucaaridka ah ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in banaanbaxayaasha intooda badani ahaayeen dadka beeralayda ah iyo Ardayda u dhashay qoomiyada Oromada dalkaasi Ethiopia.

Xukuumadda talada dalka Ethiopia haysa ayaa dadkaasi ku tilmaamtay inay yihiin dad hubaysan oo doonaya inay qalalaase ka dhaliyaan gudaha dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa waxa ugu badan qoomiyadda Oromadda marka loo eego qoomiyadaha kale ee ku nool dalka intiisa kale,waxaanay shacabka Ethiopia ka yihiin 40%

ETHIOPIA ADDIS ABABA
Gabiley News Network