Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Geeska Afrika oo Xukuumada SL ugu baaqday inay joojiso weerarka ay ku hayaan suxufiyiinta.

Kambala(GNN):- Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika ayaa maalintii shalay soo saartay war-qoraal ay xukuumada Somaliland waajib kaga dhigayso inay joojiyaan weerarka ay ku hayaan suxuufiyiinta iyo warbaahinta. Hay’adda waxay cambaaraynaysaa dembiyada lagu haysto Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar.
War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa, Hassan Shire oo ah Agaasimaha Fulinta, Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan:

Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika waxay maanta soo saareen war-qoraal oo maamulayaasha Somaliland waajib uga dhigayso inay joojiyaan weerarka ay ku hayaan suxuufiyiinta iyo warbaahinta. Hay’adda waxay cambaaraynaysaa dembiyada lagu haysto Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar.

Labada wariye ayaa lagu eedeeyay qodobo hoos yimaada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Dacwada dhageeysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January. Agaasimaha ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika Hassan Shire ayaa sheegay in dembiyada lagu haysto wariyasha farriin cad tahay inay Maamulayaasha Somaliland weerar ku hayaan warbaahinta iyo in suxufiyiinta aysan ka hadli karin war ka so horjeeda Dowladda. “Somaliland waa in ay oggolaata in suxufiyinta ay shaqayaan hor istaag la’aan.”

Dhamaadkii bisha October, Hubsad waxay daabacday maqaal sheegay in dawladda ay dhul fara badan ay leedahay, si sharci daran ku iibisey. Taasi ayaana aad loo rumeysan yahay sababta ka dambeysa xariga.

30kii November 2015 Cabdirashiid, oo madax ka ah wargeyska Hubsad, iyo Siciid, tafatiraha Hubsad, ayaa saldhigga booliiska Hargeisa lagu xiray. Xarigooda ka hor, labada wariye waxay booqdeen xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si ay ulaa socodsiiyaan magacyadaa hoggaanka cusub ee wargeyska laakiin waxaa loo diray saldhigga booliska. Amarka Xeer-ilaaliyaha Guud ka bacdi ayaa labada wariye la xiray. Bishii October, dawladda waxay joojisay wargeyska Hubsad – sababta ay sheegtayna waa in warqad laysan aysan haysan.

Cabdirashiid iyo Siciid qareenkooda wuxuu sheegay in Hubsad ay leedahay laysan. Lahaanshaha iyo hoggaanka wargeyska waa lagu wareejiyay Cabdirashiid iyo Siciid. Dib-u-diiwaangelin ma loo baahno markii lahaanshaha iyo shaqaalaha isbedelaan.

Labada wariye waxaa la sii daayay 3 December laakiin waxaa hadda lagu eedeeyay qodobo ka tirsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (daabacid ama faafin war been ah iyo diiwaan gelin la sameeynin). Dacwadan dhageeysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January. Haddii maxkamaddu ay gaarto go’aan in wariyasha ay ku xadgudbeen sharciga, waxaa laga yaabaa in ugu yaraan labadoodu hal sano lagu xukumo ama wargeyska la xiro.

Sannadkii 2004, Somaliland waxay so bandhigtay sharci warbaahinta. Qodobka saddexaad waa aqoonsan yahay xorriyadda saxaafadda ku xusan dastuurka. Waxaa qoran saxaafadda caburin lagulama kici karo iyo waxa reeban wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb. Waxaa kale oo qoran in saxaafadda ku xad gudubta faqradaha qodobkan waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.

Dhowr warbaahin ayaa jira oo dawladda Somaliland xirtay sababata oo ah inay dawladda ka soo horjeedaan. Bishii Abriil 2014, bolis ayaa galay Haatuf oo amar bixiyay in wargeyska la xiro si degdeg ah. Bisha May, maxkamadda gobolka waxay xukuntay in la xiro guddoomiyaha iyo tafitiraha ayagoo lagu haysto faafin war been ah iyo war dawladda ka so horjeeda. Labada wariye ugu danbeyn waa la sii daayay laakiin wargeyska weli waa xiran yahay.

Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika waxay ugu baaqeysaa madaxda Somaliland in:

– dembiyo lagu qabsan Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar;

– dib loo furo wargeyska Haatuf iyo;

– ay qaadaan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ay joojiyaan weerarka ay ku hayaan warbaahinta lana xushmeeyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.

Homepage