Madaxda Sadexda Xisbi Oo Shacabka Somaliland Ku Hanbalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Ee 2016-ka

Ujeeddo: HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA KULMIYE  EE SANNADKA CUSUB

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada sannadka cusub ee 2016 ee taariikhda Miilaadiga oo kowsanaya saqda dhexe saacadda Geeska Afrika ee Jimcaha caawa (01/01/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu sannadkani noqdo mid khayr qaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisuna badhaadhe ku waaraan, nabadgalyo, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi buuxa oo ay helaan ku dhammaystaan, sharkiisa iyo balaayadiisana uu garab mariyo.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka sannad wanaagsan ‘kullu Caam wa-antum bikhayr.’ ‘’\

Aamiin……Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Ujeeddo: HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA UCID  EE SANNADKA CUSUB

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo ku hadlaya magaciisa ka hogaanka xisbiga Ucid, golaha dhexe ee xisbiga Ucid iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga Ucid waxa uu hanbalyo u dirayaa guud ahaan bulshada caalamka gaar ahaana shacabka somaliland curashada sanadka cusub ee 2016-ka, kaas oo curashadiisu ku beegan tahay caawa.

Gudoomiye  Faysal Cali Waraabe waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland   inay sanadkan, kiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba  ictiraaf buuxa oo somaliland caalamka ka hesho,waxaanu  dhambaal duco ah u diray bulshada somaliland inta xanuusanaysa inuu caafimaad deg deg ah siiyo, inta dhimatayna ilaahay janooyinkiisa geeyo.

Waxaanu gudoomiye Faysal Cali Waraabe Leeyahay Hambalyo Hambalyo, ilaahay sanadkan sanadkiisa haynu gaadhsiiyo nabad galyo buuxda iyo caafimaad qab.

Aamiin Aamin Aamin

Xafiiska Warfaafinta xisbiga Mucaaridka Ah Ee ucid

Ujeeddo: HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA WADDANI EE SANNADKA CUSUB

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa shacabka somaliland ku hanbalyeeyey curashada sanadka cusub ee 2016, waxaana lagu yidhi war ka soo baxay waaxda warfaafinta xisbigaasi.

Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Shucuubta Caalamka Ku Hambalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Ee Miilaadiga 2016

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magacisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta aduun weynaha, Curashada sanadka cusub ee Miilaadiga Awgeed 2016, kaas oo uu  curashadiisu ku beeganyahay habeenka Jimcaad Ee Caawa Ah.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland   inay sanadkan, sanadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba  ictiraaf buuxa, Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo Ictiraaf buuxa oo aynu helno & caafimaad qab, cimri dherer iyo  cibaado suuban, ha ha inagu gaadhsiiyo

Aamiin Aamin Aamin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,