Madaxweynaha JSL oo Maanta Digreeto Madaxweyne Ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta

Taariikh: – 12/01/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahayJSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.

 

MADAXWEYNUHU:- 

 Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015

 

 

Wuxuu soo saaray

 Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta      Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.