Madaxweynaha Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Bilawga Diwaangalinta Codbixiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:           Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Tixgeliyey:    Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

Wuxuu Go’aamiyey

In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Madaxweynaha-Somaliland-Oo-Cayimay-Bilawga-Diwaangalinta-Codbixiinta.html#sthash.K2IpyHOM.dpuf