Masuuliyiinta Kujira Xukuumadda ee Ka Soo Jeeda Gobolada Bariga ee Somaliland Oo Afka Xidhay Colaada Cali Khaliif Ka Hurinayo Bariga.

Hargeysa(GNN)- Mas’uuliyiinta xukuumadda talada haysa kaga jira gobollada Sool iyo sanaag-bari ayaan haba yaraatee juuq iyo jaaq ka odhan daandaansiga siyaasadeed ee horjoogaha nabad-diidka Khaatumo-seeg Mr. Cali Khaliif Galleydh.

iyaga oo afka ka xidhay inay jawaab ka bixiyaan deelqaafka  maalmihii ugu dambeeyey uu ninkaasi ku higaadinayey horurmarka Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka ee dhawaan ka bilaabmi doono gobolka Togdheer. Xubnaha gobolladaas kasoo jeeda oo xilal waaweyn xukuumadda ka haya, ayaa ku mashquulsan inay illaashadaan boosaskooda, isla-markaana muujiyaan inay xafiisyadoodii loo igmaday ka shaqaynayaan, waxase ay iska diideen inay jawaab afka ah oo keli ah siiyeen Cali khaliifka habeen iyo maalin warbaahinta la taagan cambaaraynta Somaliland. Xubnahan oo ku kala jira saddexda dhardhaar ee Dawladdu ka kooban tahay ee sharcidejinta, Fulinta iyo Garsoorka, ayaa sheedda ka daawanaya gardarrada Cali Khaliif, iyagoo dhabarka u jeediyey inay ugu yaraan si firfircoon uga qaybqaataan diiwaangelinta la doonayo in deegaanada ka baxsan gacanta Somaliland sida Buuhoodle oo kale laga sameeyo, waxana ay door bideen inay madaxweynaha iyo cidda middida daabkeeda haysa ka dhaadhiciyaan inay la shaqaynayaan. Xubnaha gobolladaas kasoo jeeda ee xukuumadda ku jira waxa ugu tun weyn Wasiiradda wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, caafimaadka, Gaashaandhigga,Biyaha, wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada Bari iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, waxana dhammaanba xubnahani  daawasho iyo aamusnaan kaga jiraan deelqaadka Cali Khaliif ka wado gobollada ay kasoo jeedaan. Tiro badan oo xildhibaanno ah, wasiir-ku-xigeenno, wasiiru-dawlayaal, la-taliyayaal iyo waliba madax dhaqameed madaxtooyada si weyn ugu xidhan oo gobolladaas kasoo jeeda, ayaa iyagana laga la’yahay jawaabtii la siin lahaa  siyaasigan fidnada caanka ku ah, iyadoo sidoo kale ka gaabsaday wacyigelinta arrimaha diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhadhka muwaadinnimada oo aan gobollada Bariga si fiican uga meelmarin.  Iska daa inay xubnahani u jawaabaan xubnaha cadowga ku ah Somaliland oo waxa intooda badani madaxweynaha dhegihiisa ay si joogto ah ugu akhriyaan cabashooyin iyo dano iyaga u gaar ah oo ay ku doonayaan xuquuq ay sheegayaan inay ka maqan tahay deegaanada ay kasoo jeedaan, waxana arrimaha ugu waaweyn ee ay fagaarayaasha ka sheegaan ka mid ah lacagta 2%-ga ah ee gobollada bari loo qoondeeyey oo xisaab xidhkooda muddo sanado ah aan la haynin.  Sidoo kale waxa ay iyaga laftoodu ku jiraan tartan dhexdooda ah oo dhinaca khayraadka dalka iyo xidhiidh ay madaxweynaha la yeeshaan ah, waxana ay ka siman yihiin colaadda ay u hayaan siyaasiyiinta ay u arkaan inay dib ugu soo noqonayaan Somaliland, waxana ay jallaafooyin muuqda iyo qaar qarsoonba u dhigaan xubnaha xantooda ay ka warhelaan ee dhinaca Somaliland usoo socda, iyagoo ka warwar qaba inay boosaskooda waayi doonaan.  Dadka falanqeeya siyaasadda gobollada Bari ee Somaliland, ayaa aaminsan in dib udhaca gobolladaas ay sababteeda ugu weyn iska leeyihiin siyaasiyiinta gobolladaas kasoo jeeda ee xukuumadda ku jira, maadaama ay caado ka dhigteen inay Aqallo waaweyn ka dhistaan am aka kiraystaan caasimadda Hargeysa, isla-markaana iska qaataan mushaharooyin xad-dhaaf oo aan dadkii ay ka yimaadeen waxba faa’iido uga ahayn.  Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa looga fadhiyaa inay la xisaabtanto saraakiisha shaqada u haya ee gobollada bariga dalka kasoo jeeda, isla-markaana ay dib u eegaan hannaankooda shaqo iyo horumar la’aanooda dhinaca maamul gaadhsiinta gobolladaas oo si weyn fadhiid u ah.  Muddadii xukuumaddani talada haysay wax horumar ah oo sidaas u weyn, isla-markaana dhinaca maamulka la xidhiidha lagama gaadhin gobollada bari, marka laga yimaaddo gobolka Xaysimo oo dhawaan la alkumay, waxana xukuumaddan wali hortaagan, isla-markaana taariikhda ay ku gelaysaa in magaalada buuhoodle wali ka maqan tahay gacanta Somaliland, iyadoo dhibaatadu tahay inuu saldhig ka dhigtay siyaasi u banbaxay cadaawadda Somaliland iyo horumarkeeda.

Log1