Masuuliyiinta xisbiga Wadani Ee Ku sugan Gobolka Togdheer Oo Kormeer Ku tagay Goobaha Ay Diwaangalintu Ka socoto (SAWIRO)

iyadoo ay Maanta Guud ahaanba Gobalka Togdheer ay ka Bilabmatay Diwaan Galinta Kaadhka Codaynta Dorashada ayaa Waxa Kormeer Baladhan Oo indha indhayn ah ku Tagay Goobaha kale Duwan ee ay ka socoto Diwan Galinta Kaadhka Codaynta Ee Magalada burco Wafti ka socota Xisbiga Mucaradka wadani.

Waftigani Baladhan Ee Uu Hogaminayay Gudomiye ku Xigenka Xisbiga Mucaradka ah Wadani Axmed Muumin Seed ayaa waxay Mid Mid usoo Booqden Goobaha kale duwan ee ay  ka socoto Diwan Galintu

 ee ku Dhex Yaala Gudaha Magaladda Burco.

Ujeedada Waftigani ayaa ahaa Sidii ay ugu Kuur-Gali Lahayeen Qaabka ay gudaha Magalada Uga Socoto Howsha Diwaan Galintu iyo Waliba sida ay Bulshadu isu diwaan galinayaan.

Gudomiye ku Xigenka Xisbiga Mucaradka Wadani Axmed Muumin Seed Oo Mar Uu la Hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu Yidhi Sida Tan

“ Runtii Maanta Waxa Bilabmatay Diwan Galintii Cod Bixiyayasha Ee aynu Mudada Dheer Sugaynay Oo Burco ka Bilabmatay,Runtii ilaa Saaka Oo Dhan waanu Maraynay Goobaha kale Duwan ee ay ka Socoto Diwaan Galintu si Fiican Oo Habsami ah ayaanay Diwan Galintu u socotaa,Dadku inta badan waxay Daremayaan Culays Maadama oo ay Tahay Maalintii Ugu Horraysay Diwan Galinta,Shacabka Reer Burco Waxaan ku Boorinaynaa Waa Maalintii Ugu Horraysay Wixii Khalada Dhanka Farsamada iska dulqaata Oo is diwaan Galiya ,Maanta Kaadhkas Diwan Galinta Ee aynu Qadanaynaa Waa Mustaqbalkii Dalka Waa wixii Halganka Loo soo Maray Maanta Halkii Ugu Danbaysay ayaynu Taagan nahaye is diwan Galiya” Ayuu Yidhi Gudomiye ku Xigenka Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed

Ugu danbayintii  Diwan Galinta Kaadhka Codaynta Doorashada ee Maanta ka Bilabmay Magalada Burco ayaa Noqonaya Gobalkii Ugu Horeyay Ee laga bilabay Diwan Galinta Kaadhka Codayntu.

Log11