Maxaa Ka Jira Isku Shandheyn Balaadhan Oo Madaxweyne Siilayo Ku Sameynayo Golaha Wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Hargeysa(GNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in uu dhawaan Isku Shandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan. Wararka hor dhac oo ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xilal muhiim ah ka haya Xukumada ay la tagidoonto seefta madaxweynaha, wararku waxay intaasi ku darayaan in isku shandhayntani noqondoonto tii ugu cuslayd ee muddooyinkan uu Madaxweynuhu Sameeyo. Isku shandhantay ayaa la filayaa in aanay ku koobnaan uun Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada, balse ay gaadhidoonto illaa Hay’ada Madaxbaan ee dawlada oo qaar kood aan la badalin masuuliyiintooda Lixdaa Sanno ee Xukumadu xilka haysay. Warar kale ayaa sheegayaa in Muhiimada ugu weyn ee Madaxweynuhu kaleeyahay isku shandhayntan ay tahay Tii Ololaha Doorashada isla markana la magacaabo  Masuuliyiin Xisbul Xaakimka Kulmiye cod uga keeni kara Beelahooda.

Log1