Mayarka Gabiley Oo Shacabka, Qoyskii, Ehelladii iyo Bahdii Fanka Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Cigaal (Duncarbeed)

Gabiley(GNN)Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Ahna Mayarka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi oo Ku Hadlaaya Af Golaha Iyo Kiisaba waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun- Carbeed) oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Dubai shalay oo ay taariikhud ahayd 11/01/2016.

Mayarku waxa kale oo uu Tacsi u darayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee uu ka baxay, waxaannu IIIaahay uga baryay Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, Qoyskii, ehelkii, bahdii fanka iyo guud ahaanba Ummadda soomaaliyeed-nna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aaamiiiiiin………….Aamiiiin…        Aamiin